U bood dhigaalka

Dhuusamareeb: Deni oo Soo Gaaray iyo Filish oo Kusii Jeeda

Sheeko:Amniga

Wararka laga helayo Dhuusamareeb ayaa sheegaya in uu soo gaaray madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo ka yimid Garoowe.

Waxaa kale oo kusii jeeda guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish oo lagu wado inuu ka qeybgalo shirka dowladda federaalka ah iyo maamullada dalka.

Dhanka kale,  waxaa uu kulan gaar ah u socdaa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe

Kulankan ayaa noqonaya midkii ugu horeeyey ee dhaca kadib qalalaasada labada nin ee ka dhalatay doorashadii Axmed Madoobe ee August 22, ee sanadkii tagay.

La soco, wararka shirka.

Goobjoog News