U bood dhigaalka

Dhuusamareeb: Dhagey iyo Cawad oo Loo Doortay Golaha Shacabka

Sheeko:Amniga

Waxaa goordhow lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug doorashada labo kursi oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Yuusuf Geelle Ugaas Dhagey ayaa ku guuleystay kursiga golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee sumadiisu tahay #HOP026

Mahad Cabdalla Cawad ayaa isna ku guuleystay kursiga #Hop104, isaga oo ka adkaaday haweeney.

Labadan xildhibaan ayaa horay ugu fadhiyey kuraasta ay maanta mar kale ku guuleysteen.

Goobjoog News