U bood dhigaalka

Dhuusamareeb: Itoobiyaanka Oo Amniga La Wareegay iyo Villa Somalia oo Siyaasadda Ah

Sheeko:Amniga

Wararkii ugu dambeeyey ee ay Goobjoog News ka hesho magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ayaa sheegaya in shalay ay magaalada soo gaareen ciidamo Itoobiyaan oo xoojinaya qaar isla dalkaasi ah oo horay u sii joogay.

Weriyaha Goobjoog News ee gobolka ayaa sheegaya in Itoobiyaanku ku yimaadeen ilaa 6 gaari, mid booyad ah , 2  gaari oo saadka ah iyo 2 kale Uuraal ah, kuwaas oo ujeedkoodu yahay xoojinta ciidamada Itoobiya ee saldhigga ku leh xarunta Dhuusamareeb.

Ilo kala duwan ayaa sidoo kale noo sheegay in Xabashida ay la wareegeen goobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin garoonka iyo xarumo kale oo ay joogaan dowladda federaalka ah.

Mas’uul ka tirsan Ahlu sunna oo codsaday in magaciisa aan la xusin ayaa Goobjoog News u sheegay in Itoobiyaanka ay ogyihiin cidda waxtarka u leh iyaga iyo DF isaga oo intaasi ku daray in 12 sano ay Ahlu sunna ka difaaceysay Adis Ababa kooxda Al-shabaab  gaar ahaan xadka min Matabaan ilaa Dhuusamareeb. “Kama sugeyno abaaldhac iyo in maanta naloo adeegsado” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey.

Dhinaca kale, Xilli murashaxiinta madaxtinimada ee ka socda dhanka mucaaradka iyo madax kale oo diidan maamulka Villada ay qeylinayaan, Nabad iyo Nolol waxaa ay wadataa shaqadeeda, mar hore ayey odeyaashii saxiixayaasha ee Galmudug  gudbiyeen xildhibaannadii ay beel walbo qoondo u laheyd, weliba odeyaasha iyo xildhibaannada la gudbiyey waa arrin maamulkeeda ay gacanta ku hayaan saraakiil ay dowladda federaalka ah wadato, oo ka tagay Xamar, mana jirto hufnaan, madaxbannaani  iyo la socod kale.

Aqoonyahan, saxafiyiin, Ahlu sunna iyo dadkii aan maanta  kala hadlay Dhuusamareeb waxaa ay isku raaceen in Dowladda federaalka ah aaney hadda u baahneynba adeegsiga xoog sidii magaalada Baydhabo ee December 2018, markii aan sababta weydiiyana waxaa uu biya dhaca hadalkoodu ahaa iney muuqato in Villa Somalia ay ku guuleysatay xulista xildhibaanno ku yimid rabitaankeeda, si ay u fuliyaan ujeedka.

W/D: Cabdi Caziz Gurbiye.