U bood dhigaalka

Dhuusamareeb:- Muunaasabad Lagu Soo Dhaweynayo Wasiir Odawaa Oo Socota

Sheeko:Dalka

Degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobalka Galgaduud, waxaa haatan ka soconaysa munaasabad ballaaran oo lagu soo dhaweynayo wasiirka arimaha gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo maanta gaaray degmadaasi.

Munaasabadaan waxaa soo qaban qaabiyay Ahlu-sunna Waljameeca, waxaana halkaasi ku sugan mas’uuliyiintooda oo uu ka mid yahay gudoomiyaha Guddiga Fulinta Ahlu-sunna Cabdirisaaq Cali Mire Al-shcari iyo xubno kale.

Sidoo kale Munaasabadaan waxaa ka qeybgalaya xubno ka socda Bulshada Dhuusamareeb, iyadoo saraakiil u hadashay Ahlu-sunna ay cadeeyeen in iyagu aanay kasoo horjeedin dowladnimada iyo nidaamka dowliga ah.

Munaasabadaan markii ay soo gabagabowdo waxaa la filayaa in kulamo gaar ah ay wada yeeshaan wasiir Odawaa iyo sidoo kale saraakiisha Ahlu-sunna, iyadoo laga hadli doono arimaha ku aadan la wareegista Ahlu-sunna ee Dhuusamareeb iyo arimo kale.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News