U bood dhigaalka

Dhuusamreeb:Ciidanka Booliiska oo Soo Bandhigay Koox Burcad ah

Sheeko:Amniga

Ciidamada Booliska magaalad Dhuusamreeb ee caasimadda maamulka  Galgaduud ayaa caawa soo bandhigey rag burcad ah, kuwaas oo lagu soo qabtay howlgal ay ciidamo ka sameeyeen deegaan hoosta taga caasimadda.

Kooxdaan burcadda ah ayaa waxaa ay ciidanku soo qabteen xilli ay dhac ka wadeen wadada dheer ee laamiga ah ee xiriirisa magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado ee gobolka Galgaduud, kadib howlgal qorsheysnaa.

Ciidanka Booliiska ayaa sheegay in raggaan hubaysay laga soo qabtay deegaanka Mareergur oo hoos yimaada Dhuusamreeb, waxaana ay dhac ku hayeen dadka iyo gaadiidka ku safraya wadada dheer ee laamiga ah ee marta.

Raga la soo bandhigey oo ah sadax ruux ayuu mid ka mid ah waxaa  ka muuqday dhaawac kusoo gaarey rasaas ay is waydaarsadeen ciidanka ammaanka, waxaana isla goobta lagu soo bandhigey taleefano iyo agabyo ay dhaceen.

Goobjoog News