U bood dhigaalka

Dhuusomareeb: Ahlu-sunna Oo Bilawday Kulamo Ay Kula Tashanayso Dadka Deegaanka

Sheeko:Dalka

Saraakiisha maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ee ku sugan degmada Dhuusamareeb ayaa halkaasi waxa ay ka bilaabeen kulamo ay la yeelanayaan dadka deegaanka.

Wararka ay halkaasi ka helayso Goobjoog News ayaa ku waramaya in kulamadaan oo aan la ogeyn uljeedkooda ay saraakiisha Ahlu-sunna la qaadanayaan dad u badan dhalinyaro iyo waxgarad.

Waxaa jira wararka qaar oo sheegaya in kulamadaan ay salka ku hayaan oo kaliya aayo ka tashiga degmadaasi oo dhawaan Ahlu-sunna ay shaaciyeen.

22-kii June waxa ay Ahlu-sunna sheegtay in degmada Dhuusamareeb ay ka furtay gogol wada tashi ah, laguna dhisayo maamul.

Dhinaca kale wasiirka arimaha gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa safar ku tagay degmada Dhuusamareeb 15-kii June, halkaasi oo wada hadal aan natiijo kasoo bixin kula yeeshay saraakiisha Ahlu-sunna Waljameeca.

Goobjoog News