U bood dhigaalka

Dhuxulow: Way wanaagsan tahay xaaladda suxufiyiinta xiran ee idaacadaha SHabeelle iyo SKY

Sheeko:Dalka
Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow
Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow

Wasaarada warfaafinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay aad u wanaagsan tahay xaalada suxufiyiin ka tirsan idaacadaha SHabeelle iyo SKY oo ku xiran magaalada Muqdisho.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Mustaf Sheekh Cali DHuxulow oo soo booqday Goob Joog FM ayaa sheegay in weli ay socdaan baaritaanada lagu hayo wariyeyaashan ka tirsan  idaacadahaasi.

DHuxulow waxa uu carrabka ku dhuftay in maalmaha soo aadan ay kala cadaan doonto  hadii suxufiyiintan lagu helay dambiyadii lagu soo eedeeyay iyo in ay ka madax banaan yihiin waxa keenay in markii hore xabsiga la dhigo.

“hay’adaha ku shaqada leh waxay xaq u leeyihiin inay hawshooda soo gutaan statement arintaasi ku saabsan waxaa soo saaray Xeer Ilaaliyaha Guud,  waxaana sugaynaa koley waqtiga maxkamaddu ay tiraahdo ama waa dembiileyaal ama dembi ma laha, inta ka horaysana waxay baahi qabaan waan la socon doonaa” ayuu sheegey mudane dhuxulow

Waxaa sidoo kale wasiirku   ka hadlay caafimadkooda, iyadoo maalmihii u dambeysay ay soo baxayeen warar sheegaya in xabsiga jir dil loogu gaystay

“runtii aniga jirdil aan hadda soo arkay ma jirin dabcan waa dad xiran oo markii xuriyadooda ay dib u helaan ayagaa wixii dheeraad ah sheegi doona aniga koley ka wasiir ahaan waan la sheekeystay waana la fariistay waana dareemi karaa qofka markuu rixan yahay xoriyaddiisana la’yahay waa sheegan karaa” ayuu yiri wasiirku

Hadal dhowaan ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha qaranka ayaa lagu sheegay in maalmaha soo aadan la ogaan doono sababaha ay u xiranyihiin wariyeyaashan iyo labada raadiye.

Ciidamada nabad sugida dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa albaabada isugu dhuftay idaacadaha Shabeelle iyo Sky maalinkii ay weerarka ku qaadeen hoyga guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Xasan Cadow (Axmed Daaci).

Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku eedeysay wariyaasha xiran in ay abuurayeen hurinta xiisad colaadeed.

Hoos ka dhageyso wareysiga wariye Maxamed Daahir Dagane uu la yeeshay wasiirka: