U bood dhigaalka

Dhuxusha oo Lagu Gubo Meelo Ka Tirsan Muqdisho iyo Gaaskii oo Qaali Noqday

Sheeko:Amniga

Dhuxusha ayaa maalmahan lagu gubaa deegaanka Weydow ee galbeedka Muqdisho, iyada oo la sameeyey goobo gaar ah oo ilaa 2KM ah isku wareeg ah.

Ganacsatada oo la lahlay Goobjoog News ayaa sheegaya in goobaha Al-shabaab lagusoo canshuuro geedi ahaan balse ay Weydow ku gubaan.

“Ma rabno in nala duubo, Shabaab miyaa naga daba keeni rabtaan,  qolada Gaaska Cunaqabteyn ayey nagu rideen,  duulaan ayaan ku aheyn, wax qaaliyoobey ma leh intii hore ayey taagan tahay”ayey tiri Haweeney ka mid ah ganacsatada.

Arrintan ayaa imaaneysa kadib markii Muqdisho laga waayey Gaaska, oo haddii la helo halkii 13kg uu ka ahaa $21 la iibinayo $30.

Qaar ka tirsan ganacsatada Gaaska oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in Covid 19 uu saameyn ku yeeshay, sidaas darteed uu qaaliyoobay.

Gobjoog News