U bood dhigaalka

Dib u Dhac Ku Yimid Jadwalka Doorashada Aqalka Sare

Sheeko:Amniga

Waxaa fashil uu ku yimid qaar ka mid ah jadwalkii doorashooyinka dalka, xilli  maanta ay ku beegan tahay maalinti loo asteeyay in ay bilaabato doorashada doorashada Aqalka sare ee dalka.

Illaa iyo hadda madaxweynayaasha dowlad gobaleedyada dalka ayaanan soo gudbin liiska xubnaha musharixiinta ee u tartamaya kuraasta Aqalka sare ee dalka.

Dib u dhaca ku yimid doorashada Aqalka sare ee maanta ayaa sidoo kale la filaya in ay dib u dhac ku keento jadwalka doorashada golaha shacabka iyo tan madaxweynaha oo dhamaantood loo asteyay in ay ku dhacaan labada bilood ee soo aaddan.

Maamulka Jubbaland ayaa maalmihi la soo dhaafay ay ka socdaan diyaargarowga doorashada Aqalka sare xilli maamulada kale aan laga dareemeynin wax dhaq-dhaqaaq doorasho ah.

Axmed Madoobe madaxweynaha Jubballand ayaa saacadaha soo socda la filaya in uu shaaciyo liiska xubnaha musharixiinta Aqalka sare ee deganada maamulkaas, xilli Kismaayo ay ku sugan yihiin hogaanka guddiga doorashooyinka dalka.

Dhanka kale waxaa aan weli xal rasmi ah laga gaarin arrinta Somaliland, ra’iisul wasaare rooble oo dhawaan la kulmay Cabdi Xaashi Cabdullahi Guddoomiyaha Aqalka sare ee dalka iyo Mahdi Guleed ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa faray in ay heshiis ka gaaran arrinta Somaliland.

Labada mas’uul ayaanan weli dhankooda soo saarin hogaan guddi doorasho oo ay ku mideysan yihiin, kadib markii laba doorasho ay kala qabsadeen guddiyadi ay magacaabeen.

Goobjoog News