U bood dhigaalka

Dib u Dhac Ku Yimid Shirka Kismaayo Ee Madasha Wadatashiga Qaranka

Sheeko:Dalka

Maanta oo Axad ah ayaa lagu madalsanaa in magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose uu ka furmo shirka madasha wadatashiga qaran ee looga hadlayo arrimaha la xiriira doorashooyinka 2016-ka, hase ahaatee shirkaasi ayaa maanta dib uga dhacay.

Afhayeenka maamulka Jubbaland Cabdinaasir Seeraar Maax oo la hadlay Idaacadda BBC ayaa sheegay in shirkaan uu dib ugu dhacay furitaankiisa maalinta Berri oo Isniin ah, islamarkaana ay socdaan diyaar garow xooggan.

“Shirka maalinta Isniinta oo berri ah ayuu ka furmi doonaa magaalada Kismaayo, waxaa socda diyaar garowgiisa, madaxduna maanta ayaa la filayaa in Kismaayo ay soo gaaraan” ayuu yiri Seeraar.

Magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose waxaa ka soconaya diyaar garow ku aadan shirka madasha, waxaana aad loo adkeeyay ammaanka guud ee magaaladaasi.

Shirkaan ayaa daba socda kulankii madasha wadatashiga qaran ay ku yeesheen magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu soo bandhigayay aragtida ay shacabka Soomaaliyeed kasoo gudbiyeen inay noqoto nooca doorasho dhacda sanadkaan 2016/

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News