U bood dhigaalka

Dib u Dhac Ku Yimid Shirkii Madasha Wadatashiga Uga Furmi Lahaa Baydhabo

Sheeko:Dalka

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa goor dhaw shaaca ka qaaday in dib uu u dhacay shirka madasha wadatashiga Qaran ay ku yeelan lahaayeen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Guddoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed C/qaadir Shariif Sheekhunaa Maye oo si kooban ula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shirka oo lagu waday inuu furmo 20-ka bishan oo berri ku beegan uu furmi doono 22-ka isla bishan waxayna ka dhigan tahay in Labo maalin uu dib u dhacay.

Waxa uu sheegay Guddoomiyaha in arrimo farsamo uu shirkan Labo maalin u daba maray hase ahaatee Koonfur Galbeed ay waddo diyaar garow xooggan.

Magaalada Baydhabo waxaa shalay safar aku tagay guddomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Goobjoog News