U bood dhigaalka

Dib u Dhac Ku Yimid Wafdigii IGAD Ee Ku Wajahnaa Magaalada B/weyne

Sheeko:Dalka

Warar goor dhow soo gaaray Goobjoog News ayaa waxay sheegayaan in uu dib u dhac uu maanta ku yimid xubno ka socday urur goboleedka IGAD kuwaasi oo la filayey inay tagaan magaalada B/weyne.

Wariyaheena magaalada B/weyne Maxamed Ibraahim oo xiriir la sameeyay qaar ka mid ah Ugaasyada la kulmi lahaa xubnahay ayaa soo sheegaya in wafdiga maalinta berri ah ay tagi doonaan magaaladaasi.

Lama sheegin sababta rasmiga ah ee xubnahan u baaqdeen, balse ulajeedka ay u tagayaan Baladweyne ayaa ah in waxgaradka diiddan shirka Jowhar ay waxbadan kala hadlaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News