U bood dhigaalka

Dib U Dhaca Doorashada Guddoonka Oo La Dhaleeceeyay (Warbixin)

Sheeko:Baarlamaanka

Aqoonyahan Soomaaliyeed ayaa sheegay in dowladda federaalka aynaan wax xil ah iska saarin in doorashada ay ku qabsoonto xilligeeda.

Aqoonyahan Maxamed Maxamuud Nuur ayaa sheegay in habka ay doorashooyinku u socdaan ay wax badan ka qaldan yihiin.

Wuxuu sheegay in madaxda dowladda federaalka aysan muujin masuuliyad arrintaasi ku saabsan islamarkaana meelaha qaar la soo sheegayo in musuq iyo awood ku tagrifal loo adeegsaday doorashooyinka aqalka hoose sida magaalada Cadaado.

“Doorasho waa heshiis bulsho, doorasho waa masuuliyad waana in la doortaa qof aamin ah taasoo ku dhacda si cadaalad ah oo amni ah, doorasho waa inay ku dhacdaa si bulshada ay marqaati ka tahay islamarkaana jadwalkii loogu talagalay ay ku dhacdaa dadka Soomaaliyeed waa inay ka hadli karaan haddii qalad uu dhaco, intaas ayaana meesha ka maqan kuwaasoo isbiirsaday baana keenaya dib u dhaca doorashada, oo waad la socotaan abaaro ayaa wadankii ka jira” ayuu yiri aqoonyahan Maxamed Maxamuud.

Waxa uu sheegay in madaxda Soomaaliyeed ay iyagu masuul ka yihiin wixii doorashada ka yimaada oo iyagu ay masuuliyadda qaadanayaan.

Goobjoog ayaa weydiisay su’aal ahayd:

Su’aal: Marka aad eegto oo kale cabashooyinkan ay qabaan ergooyinka qaar, ugaasyada qaar, siyaasiyiinta qaar oo ku qotonta laaluushka iyo musuqa maxay uga dhigan tahay dowladda soo socota afarta soo sano ee umadda Soomaaliyeed rajaynayaan?

“Arrintaas dad badan baa ka hadlay waxa weeye hadda guddiga amniga ee doorashooyinka waa taliyeyaasha ciidamada, taliyeyaasha ciidamada ee ballanqaaday inay amniga doorashada ka shaqeeyaan ayaa walaalahood waxay ku qasbeen inay musharrixiin noqdaan, xukuumaddii ballanqaaday inay doorashada masuul ka noqoto ayaa wasiirraddii baa kuraastii xildhibaannada u carayaya, Ra’iisul wasaarihii baa kursi aqalka sare qaatay, saraakiishii ka shaqeynaysay xafiiska Madaxweynaha ayaa xildhibaannaddii qaatay, marka arrintaan waxay ka dhigan haddii doorashadani qaladaadka dhacay aan la sixin oo madaxdii wadanka lagu aaminay ay iyagu yihiin kuwa ugu horreeya ay kuraastii boobaya, waxay ka dhigan tahay in mushkiladdaan ay socoto afarta sano ee socotana ay noqoto baarlamaan isaga dhanba isheysta oo dhibaato baa soo socota haddaan bulshadaan Ilaahey ka badbaadin” ayuu ku jawaabay Aqoonyahan Caalim.

Aqoonyahan Caalim ayaa tilmaamay  in kuraasta xildhibaannada inay qaateen Guddoomiyihii baarlamaanka, Ra’iisul wasaaraha, saraakiishii ka shaqeynaysay madaxtooyada ay qaateen kuraastii xildhibaannada inay ka dhigan tahay fadeexad oo aynaan musuq ahayn.

Waxa uu sheegay in madaxda dowladda iyo guddiga doorashada inay caddeystaan in aan la qabin Karin doorashada bisha dhiman ee sanadkani 2016-ka islamarkaana doorashada loo rarao sanadka 2017-ka, oo degdegga laga dhaafo si aan loo sii ceeboobin.

Goobjoog News ayaa sidoo kale Maxamed Caalim oo wax ka qora arrimaha Soomaaliya ay weydiisay su’aal ahayd:

Su’aal: Aqoonyahan Maxamed Caalim waxyaabaha aadka la yaabka u leh waxaa kamid ah in magaalooyin kamid ah dalka in ay dadku u dhimanayaan harraad iyo gaajo, haddana waxaa meesha ka marnayn in kuraasta baarlamaanka lacag lagu iibsanayo, maxay labadaas arrin ka dhigan yihiin?

Waxa uu sheegay aqoonyahanka in arrimahaasi ay ka dhigan yihiin inay arkaan dadka aaminka ah ee dowladda Soomaaliya abaaraha jira maxaa aamusiyay dadkii caqliga saaxiibka u ahaa sida imisada, culumada, wasiirrada iyo xildhibaannada iyo siyaasiyiinta waxaa fiican abaar xun baa socota in doorashada la baajiyo oo dadkaasi loo gurmado, dadkan loo tartamayaa sow dadkii la maamuli lahaa ma ahan haddii ay dhammaadaan siyaasiyow yaad maamulaysaa?” ayuu hadalkiisa raaciyay aqoonyahan Maxamed Maxamuud Nuur(Caalim).

Magaalooyinka Baydhabo, Jowhar, Cadaado iyo Garoowe waxaa ka soconaya doorashada aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka waxaana Jubbaland ay soo afmeertay maalintii shalay iyadoo la doortay 43 xildhibaan ee halkaas ka imaanaysay, waxaa sidoo kale intaas dheer in doorashadii labada aqal ee Somaliland aynaan weli howsheeda ka billaaban magaalada Muqdisho.

Doorashada guddoonka baarlamaanka oo maalin ka hor loo ballansanaa in lagu qabto magaalada Muqdisho 23-kii Sept. 2016 ayaa dib u dhacday taasoo ka dhigan in tan madaxweynahana ay dib u dhici karto.

W/D: Maxamed Cabdullaahi Maxamed

Goobjoog News