U bood dhigaalka

Dib u habayn lagu wado wadooyinka degmada Jowhar ee gobalka Shabeelaha Dhexe (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Dib u habeyn xoogan ayaa haatan lagu wadaa wadooyinka degmada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeelaha dhexe, iyadoo qarashka dhismahaan ku baxaaya la sheegay in ay bixinayso dowladda Ingiriiska.

Wadooyinka dayactirka lagu wado waxaa laga joojiyay isku socodkii gaadiidka iyo dadweynaha, waxaana si xowli ah u socda howlahaan dib u habeynta.

Maamulka gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in tani bilaw ay u tahay isku day lagu doonayo in dhamaan degmooyinka gobalkaasi sidaan oo kale dayactir looga sameeyay.

Waxaa hadda la dhameeyay dib u habeynta qaar ka mid ah wadooyinka Jowhar, waxaana la filaayaa kuwa dhiman ee shaqooda socoto in maalmaha soo aadan la dhameeyo.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News