U bood dhigaalka

Dib u Habeynta Istaraatiijiyadda Xogta Caafimaadka Dalka Oo Laga Shiray

Sheeko:Caafimaadka

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxay waayadan waday dadaalo dib u habeyn ballaaran loogu samaynayo Istaraatiijiyad Xogta Caafimaadka ee dalka. Dadaalkan oo ay Wasaaraddu soo bilowday muddo hore ayaa waxaa maalmahan dalka ka socday shaqooyin arrintaa looga mira dhalinayo.

Wasaaradda iyada oo kaashanaysa Hay”adda Caafimaadka Addunka (WHO) ayaa waxay isbuucan ka bilowday dhammaan Dawlad Gobaleedyada latashiyo iyo shirar lagu qimeynayo heerka uu gaarsiisanyahay dhismaha nidaamka xogta caafimaadka ee dalka.

Maanta oo bisha September ay tahay 12 ayaa waxaa dhammaan Dowlad. Gobaleedyadda Dalka ka socda booqashooyinka qaar kamida ah xarrumaha caafimaadka iyo shirar kala duwan oo loogu kuur galiyo heerka tayada xogta caafimaadka iyo sida loo aruuriyo loona kaydiyo.

Shaqada ayaa si toos uga socota magaalooyinka kala ah. Kismayo, Baydhabo, Dhuusamareeb, Garoowe, Jowhar iyo Muqdisho.

Xafiiska Xogta Caafimaadka ee Waaxda Siyaasadda iyo Qorshaynta ee Wasaaradda Caafimaadka heer Federal iyo heer Dowllad Gobaleed oo kaashanaysa khubaro ka socotay Haayada Caafimaadka Adduunka xafiisyadeeda EMRO iyo Soomaaliya ayaa si wadajir ah u wada  shaqada ka socota dhammaan goobaha aan soo sheegnay.

Istaraatiijiyadan ayaa marka la sameeyo waxaa qorshuhu yahay in loo isticmaalo sarre u qaaddida tayada xogta caafimaadka iyo in diyaaranta  siyaasadaha caafimaadka loo sameeyo si ku dhisan xogagaalnimo iyadoo la tixgelinayo  baahiyaha caafimaad ee kajira dalkeena Soomaaliya.

Goobjoog News