U bood dhigaalka

Dib u Habeynta Lacagta Shilin Soomaaliga Iyo Daabicista Lacago Cusub Oo Laga Shiray

Sheeko:Dalka

Shir balaaran oo ay isugu yimaadeen Gudiga Maamulka Maaliyadda ee dowladda Soomaaliya iyo khubaro ka socota hay’ada lacagta IMF ayaa looga dooday qaabka ugu haboon ee lacag shilin Soomaali ah dalka loogu samayn lahaa, dhibaatooyinka ka dhalan kara hadii la soo daabaco lacag been abuur ah iyo wada tashi balaaran oo laga yeesho habka loo wajahayo samaynta lacag shilin Soomaali ah oo cusub.

Gudiga yaa faafaahin dheer ka bixiye cida xaqa u leh in ay soo daabacdo lacag badali karta shilin Soomaaliga sii dabar go’aya, iyo dhibaatooyinka ka imaan kara hadii aan laga yeelan wada tashi buuxa, loogana danbayn cida xaqa u leh ogolaanshaha soo daabicida lacagta shilin Soomaaliga ah.

“Bangiga dhexe ee Soomaaliya waa hay’ada kaliya ee haysata ogolaansho lagula soconayo arrimaha la xariira lacagta shillin Somaaliga ah, waxaa sidoo kale qayb ka ah dib u habaynta lacagta iyo wixii ku tacaluqa shilin Soomaaliga. Bangiga wuxuu wadashaqayn dhow la leeyahay taageero farsamana ka helaa Hay’ada Caalmiga ah ee Lacagta (IMF) si loo dhiiri galiyo loona dhigo asaaska sahli kara ugu danbayn in loo helo dib u habayn dhab ah oo lagu sameeyo lacagta shillin Soomaaliga” ayaa sheegeen gudigu.

Gudiga Maamulka Maaliyada (FGC) ayaa sheegay in soo saarista lacag shilin Soomaali ah ay qayb ka tahay howlaha loo igmaday Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, talaabo kasta oo ka hor imanaysa sharciga u yaala Bangiga Dhexe waxay daciifinaysaa habsami u socodka dib u habaynta lacagta shilin Soomaaliga. soo saarida lacag been abuur ah waxay dhaawacaysaa hawsha dib u habeynta shilinka Soomaaliga waana in cid walba ka dignootaa.

Sidoo kale, Gudiga ayaa ka digay in lacag been abuur ah oo hada la daabaco iney sababi karto khal khal dhaqaale oo dalka ka dhaca iyo sare u kac ku yimaada shilinka Soomaaliga oo sanadiihi ugu danbeeyey ahaa mid fadhiya.

Gudiga Maamulka Maaliyada ayaa waxaa asaasay dowaldda Soomaaliya iyo waxaana xubno ka ah khubaro ka socota deeq bixiyayasha caalamka si loo sii amba qaado maamulka arrimaha maaliyadda dalka, waxaana shaqadoodu tahay la socodka maamulka lacagta, dowlad wanaaga iyo habsami u socodka bankgiyada Dalka.