U bood dhigaalka

Dib U Milicsi: Qaali Maxamuud:- Amarka Lagu Afduubtay Ikraan Waxa Bixiyay Farmaajo.

Sheeko:Amniga

Qaali Maxamuud Guhaad oo ah Hooyada sarkaalad ikraan Tahliil ayaa si kulul uga jawaabtay Guddiga uu Farmaajo usaaray kiiska gabadheeda, waxa ayna sheegtay in is hortaagidda Cadaaladda ee farmaajo ay cadeyn utahay inuu isagu bixiyay amarka lagu afduubay Ikraan.

Qaali oo saxaafadda lahadashay aya tilmaantay in caddaalad uhelidda gabadheeda Ikraan uu caqabad ku yahay Farmaajo waxa ayna tiri ” ma aqbalayo kumana qanacsani, Guddiga Farmaajo”

Waxa ay sidoo kale Qaali ay raacisay iney dacweyn doonto Farmaajo, iyada ku sheegtay in uusan ahayn qof lagu tilmaami karo madaxweyne qaran.

“Galdacwadeed aan ku dacweynayno Farmaajo ayaan ka furanayna dal iyo dibad” ayey Qaali maxamuuud ku sheegtay shirkeeda jiraa’id.

Hooyo Qaali aya ku dartay “Kiiska ikraan waxa uu yaalla Maxkamadda, haddii Allihiis uu alle yahay Farmaajo ha iiga haro arintayda”

Jawaabta Qaali Maxamuud oo ah Hooyada ikraan Tahliil aya kuso aadaysa iyada oo Farmaajo uu Fiidnimadii hore Caawa sheegay in Guddi ay qeyb ka yihiin kuwa lagu tuhunsanaa uu usaaray Kiiiska ikraan Tahliil.

GOOBJOOG NEWS.