U bood dhigaalka

Dib U Milicsi: Ra’isul wasaare Rooble: Gacantii Ikraan Tahliil Dishay ayaa Dishay Aamino

Sheeko:Amniga

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlayey xaflad baroordiiq ah oo habeenkii Arbacada loo dhigay xildhibaanaddii lagu dilay Baladweyn ee Aamino Maxamed ayaa sheegay in xildhibaan Aamino ay dishay isla ciddii dishay Ikraan Tahliil.

Ra’isul wasaare Rooble oo arrintaas ka hadlaayo ayaa waxaa uu yiri ““Waxaan aaminsanahay sida aan u aaminsanahay in aan cawada dhimanayo in Aamina gacanta ka gardaran ee dishey in ay ahayd gacantii dishey Ikraan Tahliil” isaga oo intaa raaciyey “”Markii uu Madaxweynaha Hirshabelle uu furay kursiga Aamino ay ku fadhidey isla markaana aan ku raacay in la bedelo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Hirshabelle waxaa saacad kadib ii soo dhacday farriin dhahayso, kursigaas Aamina ee aad furteen boob iyo ujeedo ayaad ka leedahay laakiin waa waxaad ka hesho Cali Guudlawe iyo adigana waan iska kiin celineynaa Hirshabelana waan iska celineynaa adigana waa iska kaa celinaynaa”.

Rooble ma sheegin cidda farriinta usoo dirtay, laakin waxaa kale oo isla goobta ka sheegay iney jiraan dad aan raali ka aheyn in kiiska Ikraan la geeyo maxkamad ama ay cadaalad hesho.