U bood dhigaalka

Dib U Milicso : 21 Xaqiiq oo Ku Tusinaya Sooyaalka Dheer ee Dacwada Badda Soomaaliya iyo Kenya

Sheeko:Amniga

Maanta oo Isniin ah maxkamadda ICJ, ayaa bilaabi doonta dhageeysiga dacwadda muranka badda dowladaha Soomaaliya iyo Kenya

Haddaba, Goobjoog News waxaa ay akhristayaasheeda dib u xusuusineysaa sooyaalka dacwada badda iyo khilaafaadka.

April 11, 1963: Soomaaliya ayaa aqoonsatay maxkamadda cadliga adduunka ee ICJ halka Kenya ayaa sidaa sameysay April 19, 1965-tii.

1988: Waxaa la soo saaray  sharciga badda ee Soomaaliya.

1989: Labada dal, waa Kenya iyo Soomaaliya e, waxaa ay saxiixeen heshiiska badda ee qaramada Midoobey, heshiiskan caalamiga ee badaha waxaa la sameeyay 1982 .

April 7, 2009: Dalalka Kenya  iyo Soomaaliya ayaa Heshiis is afgarad oo Badda ku saabsan ku gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Is afgaradkan oo ay saxiixeen wasiirka qorsheynta Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdiashur iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya Moses Wetang’ula ayaa waxaa lagu sheegay in labada dal ogolaadeen xadeynta cabbirka qalfoofta qaaradda ee badweynta ka xiga fogaan ka durugsan 200 oo Meyl badeed oo u dhiganta( (370km), oo weliba u gudbniyaan guddiga xadeynta iyo in la calaamadeeyo si rasmi ah biyaha lagu muran san yahay ee ee Badweynta ka xiga fogaan ka durugsan 200 oo Meyl badeed-u dhiganta-( (370km) ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya iyadoo la raacayo sida ku qoran qawaaniinta  caalamiga ah ee qaramada midoobey…heshiiskaas oo hadda taariikhda galay, waxaa qeylo-dhaan ka keenay shacabka Soomaaliyeed oo badankood ku doodeen in baddii Soomaaliya La iibsaday.

October 8, 2011: Baarlamaankii KMG ahaa ee Soomaaliya ayaa fadhi ka yeeshay arrinta heshiiska badda, kulanka waxaa shir guddiiminayey Mudane Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey oo ahaa ku simmaha afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya, kulanka waxaa soo xaadiray ilaa 335 mudane, waxaana Laga soo saaray ilaa 6 qodob:

Xildhibaannada Soomaaliya waxaa ay si buuxda u sheegeen in aan laga hadli Karin xadeynta badda Soomaaliya.

Qodobadaaas ayaa kala ahaa:

  1. In lagu dhaqmo sharciga badda Soomaaliya ee soo baxay 1988
  2. In hey’adaha dastuuriga ah sida madaxtooyada, baarlamaanka iyo xkuumadda aysan awood u laheyn in ay wax ka badalaan ama dib u eegis ama wada xaajood ku sameeyaan xaduudda badda, hawada iyo dhulka Soomaaliya.
  3. Waxaa la laaley dhammaan heshiisyadii ama is afgaradkii caalamiga ahaa ee Lala galay hey’ado, dowlado daris ah iyo ururo caalami ah iyo shakhsiyaad ee ku saabsan xadeynta badda wixii ka dambeeyay January 1, 1991-kii.
  4. Xadgudubka kasta ama gabood fal kasta oo wax loogu dhimmayo xuduudaha Soomaaliya Berriga, Badda iyo Hawada, waxaa loo aqoonsaday duullaan bareer ah oo lagu soo qaaday madaxbannaanida iyo siyaadada iyo Midnimada umadda Soomaaliyeed.
  5. Xukuumad walba oo loo igmado howsha dalka, waxaa la faray in go’aankaas gaarsiyaan dhammaan dowladaha dariska iyo hey’adaha caalamiga ah.
  6. Cid walba oo ku xadgudubta waxaa la sheegay in ay galeyso khiyaammo qaran

August 28, 2014: Dowladda Soomaaliya ayaa dacwad ka dhan dalka Kenya, kuna saabsan muranka dhulka u gudbisay Maxkamadda Cadliga Aduunka ee hoos tagta Qaramada Midoobey.

October 8, 2015: Xeer ilaaliyaha Guud ee Kenya Githu Muigai ayaa dood ka keenay Dacwada Badda ee laga gudbiyay Kenya, ninkan ayaa sheegay in dalkiisa uu  xaq u leedahay ka hor imaashiyahoodan ama is hortaagooda in ay ka jawaabaan dacwada.

Xeer Ilaaliyaha Kenya waxaa uu ku taliyay in howsha Wada hadal hoose lagu dhameeyo inta labada dal ay maxkamadaha isku jiijiidi lahaayeen, isagoo intaa raaciyay in Soomaalida aanay iloobin in ciidamo mabad ilaalin oo Kenyaan ah ay ka joogaan Soomaaliya iyo in Qaxooti ka badan Nus Milyan oo Soomaali ah in ay joogaan gudaha dalka Kenya.

October 10, 2015: Dr. Axmed Cali Daahir  oo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee Soomaaliya ayaa qiray in uu jiro codsiga Kenya ayaa waxaa uu sheegay in qoraal codsi hor-u-rdhac ah oo dowladda Kenya u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ, taasi oo ku aadan wada hadal hoose in lagu dhameeyo muran badeedka kala dhaxeeya Soomaaliya,

Xeer Ilaaliyaha Soomaaliya waxaa uu sheegay in Kenya ay doonayso inay is hortaag ku sameyso dacawadda Badda, taasina ay markhaati cad u tahay sida ay uga wal walsan tahay saldhig la’aanta ee qaanuuneed ee dooda ku wajahan sheegashada Badda Soomaaliya.

May 26, 2016: Maxkamadda Cadliga Adduunka ayaa soo saartay war saxaafadeed ay ku sheegeyso in dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya ay dhageysaneyso September 2016-ka.

September 19, 2016: Waxaa The Hague ka bilowday dhageysiga dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya,  waxay aheyd labo wareeg oo la dhageystay labada dal.

December 18, 2017:- Kenya ayaa xareysay jawaabta ay ka bixineysay kiiska ay Soomaaliya u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ.

Xeerilaaliyaha Guud ee Kenya ayaa sheegay in maxkamadda aaney xaq u laheyn dhageysiga kiiska, waxaa uuna soo jeediyey in meel ka baxsan maxkamadda lagu dhameeyo halka Muqdisho ku adkeysatay in maxkamadda lagu dhameeyo.

February 2, 2018:- Maxkamadda Cadaaladda ee Qaramada Midoobay ayaa go’aan ku gaartay inay dhageysan karto dacwadda ku saabsan muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Xaakimiinta Maxkamadda ayaa u codeeyay kiiska ka dib markii ay ka hadleen sharci ahaanta doodda Soomaaliya iyo diidmada Kenya.

February 7, 2019:- Soomaaliya ayaa waxay London ku qabatay shir ay ku sheegtay inuu suuq-geyn u ahaa shidaalka Soomaaliya.

Feb 16, 2019:- Kenya waxay la soo noqotay safiirkeedii Soomaaliya, waxayna ka codsatay safiirka Soomaaliya ee Kenya inuu dalkiisa ku laabto.

Febraayo, 17, 2019: Danjiraha Soomaaliya ee ku sugnaa Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

June 25, 2019: War qoraal ah oo ka soo baxay ICJ ayaa lagu muddeeyay in 9-ka illaa 13-ka bisha September ay dhageysan doonto doodad labada dhninac ee xuduudda badda, laakin arrintaas Kenya ayaa ka daba timid oo codsatay in sanad dib loo dhigo, laakin maxkamadda waxaa ay ka aqbashay uun 2 bil.

Bilowgii September 2019: Kenya waxaa ay ICJ ka codsatay in dhageysiga dib loo dhigo muddo hal sano ah iyada oo sheegtay in qareenno la’aan heyso.

September 5, 2019: Danjire Cali Fiqi ayaa xaqiijiyey dhageysiga maxkamadda dib loo dhigay 2 bil, isaga oo sheegay sheegay in dacwada dhageysigeeda ay bilaaban doonto November 04 teeda 2019 islamarkaana ay tahay waqti aad u yar.

October 16, 2019: ICJ ayaa mar kale mudeysan in ay dacwadda dhageysan doono 8, June, 2020.

April 24, 2020: Maxkamadda Cadliga ICJ ayaa qoraal ay soo gaarsiisay dowladda federaalka ah ku sheegtay in ay heshay codsi ka yimid dalka Kenya April 23, 2020 oo ay ku dalbaneyso in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda xilli aan la cayimin sababo la xiriira Covid 19.

May 19, 2020: Maxkamadda ayaa sheegtay in ay dhageysatay soojeedinta labada dhinac oo ku saabsanaa dib u dhigista dhageysiga dacwada badda iyada oo la tixgelinayo caabuqa Coronavirus taasina ay keentay in dhageysiga laga dhigo March 15, 2020.

March 10. 2021: ICJ ayaa shaacisay Jadwalka ay ku qaadeyso dacwadda , iyadoo shaacisay Dacwadda oo Laba wareeg ka kooban in Soomaaliya lagu hor mari doono dhageeysigeeda .

March 14, 2021: Dowladda Kenya ayaa sheegtay in aysan diyaar u aheyn in ay ka qeeyb gasho fadhiga dacwadda oo xilli ay ka dhimaneyd wax ka yar 24- sacadood .

March 15, 2021 : Maanta oo Isniin ah waxaa si rasmi ah u bilaabmi doona dhageysiga dacwadda badda Soomaaliya iyo Kenya iyadoo dacwadda ay noqon doonto mid la dhageysanayo hal dhinac maadama dhinaca kale uu maqan yahay .

 

GoobJoog