U bood dhigaalka

Dibabadbax Ka Dhan Ah Dowladda Federaalka Oo Maanta Ka Dhacay Magaalada Garoowe

Sheeko:Dalka

Magaalada Garoowe ee xarunta gobalka Nugaal waxaa maanta ka dhacay dibadbax looga soo horjeedo dowladda Federaalka, gaar ahaan siyaasadda dowladda ee gobalada dhexe.

Shacab badan ayaa isugu soo baxay fagaare ku yaalla magaalada Garoowe, waxaana halkaasi kula hadlay dadkii isugu soo baxay maamulka gobalka Nugaal iyo kan magaalada Garoowe.

Dadka ayaa ku hadaaqayay erayo ka dhan ah dowladda Federaalka, waxaana ay sheegayeen dadka in marnaba aanay u dulqaadan doonin in maamulka Galmudug laga soo tallaabiyo deegaanno uusan shaqo ku lahayn waa sida ay hadalka u dhigeene.

Gudoomiyaha gobalka Nugaal Cabdullaahi Ciise Aw Axmed oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Gudoomiye Jawaari iyo Nicholas Key ay ku fashilmeen dalka, loogana baahan yahay in ay isaga baxaan.

“Kay, wuu fashilmay dalka haka baxo, caalamkana waxaan u sheegaynaa in aanu wax shaqo ah nagu lahayn, sidoo kale waxaan leeyahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Gudoomiye Jawaari iyaguna ha raacaan, maxaa yeelay dadka ayeey hub isugu dhiibayaan” ayuu yiri gudoomiyaha gobalka nugaal.

Dibadbax kan la mid ah ayaa maanta sidoo kale waxa uu ka dhacay magaalada Boosaaso, waxaana dadka halkaasi ku banaanbaxayay ay muujinayeen sida ay hadda ku diidan yihiin siyaasadda dowladda Federaalka ee ku aadan gobalada dhexe.

Goobjoog News