U bood dhigaalka

Dibad bax lagu taageerayo amniga oo maanta ka dhacay Muqdisho

Sheeko:War

???????????????????????????????

Boqolaal dadwayne ah ayaa maanta isugu soo baxay Fagaaraha Dal-jirka dahsoon ee ku dhow degmada Boondheere.  Dibadbaxayaasha ayaa  ku muujinayay banaanbaxa sida ay u taageensan yihiin howl galada hub ka dhigista  ah ee ka soconaya magaalada Muqdisho.

Dadwaynaha ayaa watay boorar ay ku qoran  yihiin hal-ku-dhigyo ay ku taageerayaan wasiirka Amniga ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya KHaliif Axmed Ereg.

Ciidamo booliis ah ayaa saaka la soo dhigay Fagaaraha Dal-jirka dahsoon ,iyagoo sugaya  amaanka goobta, waxaa  sidoo kale lagu xiray sameecado baahiya heeso guubaabo ah oo halkaasi laga qaadayay.

Banaanbaxan ayaa looga gol leeyahay  in lagu muujiyo taageerada loo hayo soo celinta  amaanka magaalada Muqdisho oo maalmihii ugu dambayay la dareemayay in uu ka soo raynayo.

Xubno ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, maamulka Ahlu sunnah, ururada bulshada rayidka  iyo maamulka gobalka Banaadir ayaa ka soo qayb galay dibad baxaan.