U bood dhigaalka

Dibad Baxyo Ka Dhan Ah Tigray-ga Oo Laga Dhigay Dalka Itoobiya.

Sheeko:Dalka

Welkait oo lagu tiriyo bulshada Amxaarada ayaa u dibadbaxaya in dhulkooda Tigray-ga maamulaan la hoos geeyo qowmiyadda Amxaarada.

Dibaddabaxa Axaddii ayaa la sheegayaa in uu isu bedelay sidoo kale mid lagu dalbanayo arrimo siyaasadeed oo looga soo horjeedo xisbiga talada haya.

Bishii November wixii ka dambeeyay waxaa si joogta ah loogu dibad baxaaa dowladda Itoobiya, qowmiyado ay ku jirto Oromada ayaa ku kacsan xisbiga talada haya.

Qowmiyadda ugu badan dalkaas ee Oromia  ayaa horay u diiday qorshe ay wadday dowladda lagu ballaarin lahaa magaalada caasimadda ah ee Adis Ababa.

Dalka Itoobiya waxaa lagu eedeeyaa in uu cadaadis ku hayo dadka u dooda xuquuqda aadanaha iyo dadka raadinaya xuquuqda siyaasadeed

Qowmiyadda Tigray-ga ee hadda Itoobiya katalisa waa  6.1%, waa qowmiyadda 4aad ee Itoobiya, waxaa ka badan Oromada, Amxaarada iyo Soomaalida.

Goobjoog News