U bood dhigaalka

Dibad-baxyo Lagu Diidan Yahay Go’aanka Trump Oo Ka Dhacaya Dunida Muslimka

Sheeko:Dalka

Waxaa hadda meelo badan oo dunida muslimka ah ka socda dibad-baxyo looga soo horjeedo go’aanka madaxweynaha Mareykanka Trump uu Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Isra’il.

Magaalada Muqdisho waxaa salaadda Jimcaha kadib bilowday mudaaharaad ka dhan ah Trump iyo go’aankiisa, dadka ayaa ku dhawaaqaya “Alahu akbar, Trump ha dhaco, Qudus nafteenna ayaan ku furaneynaa” iyo erayo kale oo qiiro leh.

Magaalada Qudus waxaa isku hor fadhiya dad dibad-baxaya iyo ciidamada cadawga Yuhuudda kuwaas oo dadka u diidan in ay meelo badan booqdaan.

Masjidka Azhar waxaa hadda ka baxay dibad-bax ku sii jeeda gudaha magaalada Qaahira, waxaana la sheegayaa in dadka si nabad leh u mudaaharaadayaan.

Waxaa sidoo kale mudaaharaadyo ka dhacayaan magaalooyin badan oo dunida muslim-ka, dhammaan waa isku ujeedo, waxaana lagu cambaareynayaa go’aanka Trump iyada oo la weyneynayo magaalada barakeysan ee Qudus.

Qudus waa caasimadda Falastiin,  waana qibladii kowaad ee islaamka iyo masjidka sedexaad ee islaamka ee barakeysan, waxaana lagu wadaa in maanta Falastiin gudaheeda ay ka bilaabato Intifaada.

Goobjoog News