U bood dhigaalka

Dibadbax Ka Dhan Ah Inqilaabkii Dhicisoobay Ee Turkiga Oo Ka Dhacaya Muqdisho

Sheeko:Dalka

Maanta oo Sabti ah waxaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka dhaco dibadbax aad u ballaaran kaasi oo ka dhan ah Inqilaabkii dhicisoobay ee Milatarigu dalka Turkiga isku dayeen inay ku qabsadaan talada dalkaasi.

Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo la hadlay Goobjoog Fm ayaa sheegay in shacab ka kala imaan doona 17-ka degmo ee Muqdisho ay dibadbaxan ka qeybqaadan doonaan.

Waxa uu sheegay sidoo kale in dibadbaxani ay ka qeybgali doonaan madax ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Afhayeen Xalane ayaa sheegay in shacabka Muqdisho ay caddeyn doonaan sida ay uga xun yihiin isku daga Milatariga Turkigu sameeyay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News