U bood dhigaalka

Dibadbax Farriin Loogu Diray Dowladda India Oo Maanta Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Arbaco ah ka dhacay dibadbax ballaaran oo ay ka qeybgaleen shacab badan, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale.

Dibadbaxan oo ka dhacay taalada Daljirka Daahsoon ayaa ulajeedkiisa ahaa mid lagu diiddan yahay xukun la sheegay in dhowaan dowladda India ku riddey dhallinyaro Soomaaliyeed.

Shacabkii dibabaxa ka qeybgalayey ayaa soo qaatay boorar ay ku muujinayaan sidey uga xunyihiin dhallinyaradan ku xiran India iyo sidoo kale xukunka la baahiyey in la riday.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa sheegay iney aad uga xunyihiin in dhallinyaro Soomaaliyeed la sheego in lagu xukumay dil, waliba dowladda India ay xukunkaasi riddo.

Waxa uu guddoomiyaha ugu baaqay dowladda India in maxaabiista Soomaaliyeed ee ay hayaan dib ugu soo celiyaan dalkooda.

Meello badan oo ka mid ah dalka waxaa horay sidan oo kale uga dhacay dibadbaxyo ballaaran oo ay dhigayeen dad Soomaaliyeed.

Dowladda India waxay gacanta ku haysaa 119 maxaabiis Soomaaliyeed, kuwaasi oo ay sheegeen inay ka tirsan yihiin Burcad badeedda.

Goobjoog News