U bood dhigaalka

Dibadbax ka dhacay magaalada Baydhaba ee gobalka Bay

Sheeko:Dalka

Magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Bay oo uu maanta gaaray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa ka dhacay dibadbax xoogan oo ay dhigeen shacab ku sugan magaaladaasi.

Dadkaan dibadbaxa dhigaayay ayaa waxay ahaayeen kuwo kasoo horjeeda safarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo sidoo kale shirka maamulka sedaxda gobal ee magaaladaasi ka socda.

Dadka ayaa socod ku maray qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Baydhaba sida uu soo sheegayo wariyaha Goobjoog Fm ee gobalada Bay iyo Bakool.

Meelo ka mid ah dadkii isku soo baxay wararku waxay sheegayaan in ay kala eryeen ciidamada amniga, maadaama magaalada ay joogaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Dhanka kale waxaa dibadbaxaan lasoo sheegayaa in ay soo abaabulaan xubnaha sheeganaya maamulka Koonfur Galbeed ee Lixda gobal, kuwaa oo horay u cadeeyay mowqifkooda siyaasadeed ee maamulkaasi.

Goobjoog News