U bood dhigaalka

Dibadbax Ka Dhan Ah AMISOM Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Shacab farabadan ayaa maanta dibadbax waxa ay ka dhigeen nawaaxiga Isbartiibada Muqdisho, kaasi oo ay kaga cabanayeen dil bishii hore ciidamada AMISOM u geysteen wiil yar oo kubad ciyaarayay.

Dadkani ayaa watay boorar aad u waaweyn, waxaana ay kusoo qoreen erayo ay ku muujinayaan dareenka ay ka qabaan wiilkii la dilay iyo baaritaankiisa halka weli uu marayo.

Waxay sheegeen in dowladda Federaalka Soomaaliya aanay ka hayn wax jawaab ah, islamarkaana ay dalbanayaan in cadaaladda la keeno askarigii AMISOM ee wiilkaasi yar toogtay.

“Illaa hadda wax jawaab ah ma hayno, wasiirka amniga ayaa noo yimid, waxa uu naga qaaday wareysi, illaa hadda wax war ah oo uu nagu soo celiyay ma lahan, noo imaada wareysi kale ayaan idiin ka qaadeynaa ayeey na dhaheen, waxay ahaayeen 4 AMISOM iyo Seddax Soomaali ah, ka dib jawaab nalama soo siin, annaga maanta waxaa nasoo bixisay damqashada wiilkeena” sidaasi waxaa Goobjoog u sheegtay hooyo Faadumo Siyaad oo ka mid ah dadkii dibadbaxa isugu soo baxay.

Dadkii dhigayay dibadbaxan ayaa si wadajir ah ugu baaqay dowladda Soomaaliya in la xisaabtan dhab ah la gasho AMISOM oo siyaabo kala duwan u dilay dad shacab ah.

Ciidamada AMISOM ayaa 27-kii bishii tagtay ee September 2015 waxay wiil yar ay ku dileen fariisin ay ku lahaayeen Istaadiyomka Muqdisho, kaas oo dad badani ay ka caroodeen.

Goobjoog News