U bood dhigaalka

Dibadbax Ka Dhan Ah Dowladda Federaalka Iyo Galmudug Oo Ka Bilawday Magaalada Boosaaso

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa ku waramaya in halkaasi uu ka soconayo dibadbax ballaaran oo dhigayaan shacab badan, kaasi oo looga soo horjeedo dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Galmudug.

Dibadbaxaan ayaa waxaa soo abaabulay maamulka gobalka Bari ee Puntland, waxaana dadka ay wataan boorar ay ku muujinayaan ujeedka dibadbaxooda.

Waxa ay dadkaan diidan yihiin doorashadii shalay ka dhacday Cadaado iyo Dastuurka Galmudug oo dhigaya in xuduuda maamulkaasi iyo Puntland ay tahay gobalka Nugaal, waxaana dhinaca kale dowladda ay ku eedeynayaan in ay raali ka tahay waxa ka soconaya gobalada dhexe.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News