U bood dhigaalka

Dibadbax Ka Dhan Ah Hammiga Kenya Ee Badda Soomaaliya Oo Ka Socda Muqdisho (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Goor dhow waxaa magaalada Muqdisho ka billowday dibadbax ballaaran oo ay dhigayaan Kumanaan shacab ah, waxaana dibadbaxani loogaa soo horjeedaa hamiga Kenya kasoo galay Badda Soomaaliya.

Dibadbaxan waxaa soo abaabulay maamulka Gobolka Banaadir, iyadoo shacabka ay wataan boorar waaweyn oo lagu soo qorayo erayo lagu muujinayo sida shacabka ay ku diidan yihiin xadgudubka Kenya.

Dadka ayaa sidoo kale hal qabsi ka dhigtay “Baddeenu Iib ma ahan” iyo erayo kale.

Sidoo kale shacabka ayaa leh “Gorgortan ka geli mayno baddeena”, iyaga oo qareennada u doodaya Soomaaliya u rajeeyey guul.

Waxaa muuqanyesa sida shacabka Soomaaliyeed uga go’an tahay difaaca baddooda oo qeyb ka mid ah Kenya sheegatay, wallo hadda dacwadda arrintaasi ay ka socoto maxkamadda ICJ.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

005 004 003 002 001

Goobjoog News