U bood dhigaalka

Dibadbax ka dhan ah mooshinka laga keenay Ra’iisul wasaare Cabdiweli oo ka dhacay Garbahaareey (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Dibadbax looga soo horjeedo mooshinka ka dhanka ah Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta ka dhacay magaalada Garbahaareey ee xarunta gobalka Gedo.

Waxaa ka qeyb qaatay dibadbaxaan dadweynaha magaalada ku nool kuwaas oo ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah ololaha mooshinka ee ka soconaya magaalada Muqdisho.

Shacabka ayaa isugu tagay meel fagaaro ah ka dib socod ay kusoo mareen xaafadaha magaalada Garbahaareey ka kooban tahay, waxaana ay wateen boorar lagu soo xardhay erayo ka dhan ah mooshinka iyo xildhibaanada wada.

Mid ka mid ah Haweenkii ka qeyb galay dibadbaxaasi ayaa u sheegtay Goobjoog Fm, in ay aad uga xunyihiin mooshinkaan, waxaana ay sheegtay in dowladda oo laga sugaayay horumar ay hadda la timid in la rido Ra’iisul wasaarayaasha waa sida ay hadalka u dhigtay.

Xildhibaano ayaa mooshin ka geeyay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, waxaana mooshinkaasi dood uu soo kala dhex geliyay Mudanayaasha baarlamaanka qaarkood.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News