Dibadbax Ka Dhan Ah Xukun Dowladda India Ku Riddey Muwaadiniin Soomaaliyeed Oo Ka Socda Gaalkacyo

Dibadbax ballaaran ayaa haatan waxa uu ka soconayaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, kaasi oo looga soo horjeedo xukun dil ah oo dowladda India ku riddey 50 qof oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah.

Dadka dibadbaxyada dhigaya ayaa sheegay in ay aad uga naxeen markii ay maqleen dadkoodii ku xirnaa India oo hadane la sheegay in la dilayo.

“Magacaygu waa C/laahi Sheekh Xasan Jilba Weyne oo kamid ah abwaanada Soomaaaliyeed, waxaan qoraxda u taagannahay oo adduunyada u sheegeynaa in dadkeen si been abuur ah loo xiray, waa la qiyaanay oo waxaa la dhahay waa la idiin sii deynayaa oo saxiix laga qaaday hadane la dhahay waa la idin dilayaa, madaxweyne Xasan Sheekh waxaa ka codsaneynaa in arrintaasi ka hadlo noo soo daayo dadkeenna”

Hooyo Soomaaliyeed oo iyana la hadashay Goobjoog News ayaa tiri “Madaxweynaha Galmudug India ayuu tagey dadkeenna waxbo uma soo qaban, wiilasheena waa laga been abuurtay, sharci darro ayaa lagu xukumay, waxaan ku baaqeynaynaa in ilmaha naloo soo badbaadiyo, aaway dowladdii, Xasan Sheekh weli kama uusan hadli dadkeenna”

Dowladda India ayaa xukun dil ah waxay ku xukuntay 50 qof oo Soomaaliyeed kuwaasi oo kamid ahaa 119 qof oo la sheegay in loo qabtay burcad badeenimo.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW