U bood dhigaalka

Dibadbax Ka Socda Magaalada Baladweyne Ee Gobalka Hiiraan

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in dibadbax uu ka soconayo magaaladaasi, kaasi oo lagu diidan yahay guddiga farsamada ee maamul u sameynta gobalada Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Shacabkaan oo la sheegayo inay isaga kala yimaadeen xaafadaha magaalada B/weyne ay ka kooban tahay ayaa waxay wataan boorar ay ku sheegayaan in aysan marnaba raali ka ahayn guddigaan la dhisay oo qaab aan heshiiska ahayn loo maray.

Waxay tilmaameen in 31 xubnood lagu ballansanaa, hase ahaatee aysan fileyn in wasaaradda arimaha gudaha soo magacawdo 14 xubnood.

Gudoomiyaha gobalka Hiiraan ayaa qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook waxa uu ku sheegay in marnaba uusan la socon qaabka loo soo magacaabay guddigaasi, sheegayna inaysan ka maamul ahaan raali ka ahayn.

Wareegto kasoo baxday wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu magacaabay 14 xubnood oo ah guddiga farsamada maamul u sameynta gobalada Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News