Dibadbax Ka Socda Magaalada Jowhar Ee Sh/dhexe

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe, ayaa waxay sheegayaan in halkaasi goor dhow uu ka bilowday dibadbax ay dhigayaan qaar kamid ah shacabka ku dhaqan degmadaasi.

Shacabkaan oo isugu soo baxay waddooyinka waaweyn ee degmada Jowhar ayaa lasoo sheegayaa iney ka dibadbaxayaan xariigga maamulka Hirshabelle u geystay agaasimaha Isbitaalka Jowhar.

Dadka ayaa ka dalbanaya maamulka Hirshabelle in si shuruud la’aan ah kusii daayo agaasimaha oo ay sheegeen  in howlo muhiim ah u hayey shacabka Sh/dhexe.

Weli maamulka degmada Jowhar iyo kan Sh/dhexe kama aaney hadal dibadbaxan, iyadoo weli shacabkuna yihiin kuwo meello badan cagta marinaya.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW