U bood dhigaalka

Dibadbax Kale oo Lagu Diidan Yahay Farmaajo oo Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ka dhacay dibadbax kale oo lagu diidan yahay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabadullahi Farmaajo.

Boqolaal dad, oo sitey maryo cas cas iyo boorar lagu diidan yahay Farmaajo, kuna dhawaaqayey erayo ka dhan ah hey’addiisa fulinta ayaa isugu soo baxay agagaarka Sayidka ee Maka al-mukarama.

Dadkan oo la hadlay saxaafadda ayaa madaxweynaha ku eedeeyey boob doorasho iyaga oo sheegay in aaney rabin dagaal, isla markaana ay rabaan doorasho xor iyo xalaal ah, wixii xumaan ah oo dhacana dusha ka saaray maamulkiisa.

Dhanka kale, ciidamada amniga oo goobta gaaray aya la sheegayaa in dadkii kala ceyriyeen halka qaarkoodna ay xireen.

Todobaadyadii lasoo dhaafay waxa caasimadda dalka ka dhacayay dibadbaxyo ay shacabku ku dalbanayaan in madaxweynuhu uu joojiyo waxa ay ugu yeeren “Boobka doorashada” ciidamada amaanka ayaana dhowr rasaas huwiyay dibad baxayaasha.

Goobjoog News