U bood dhigaalka

Dibadbax La Filayo In Maanta Uu Ka Dhaco Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka lagu qabto dibadbax ballaaran oo ay soo qaban qaabiyeen culimada Soomaaliyeed kaasi oo looga soo horjeedo weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee dhawaan ka dhacay meel ku dhow qabriga nabigeenna Muxummad NNKH ee magaalada Madiina Al-munawara.

Dibadbaxan ayaa ka dhici doona barxadda weyn ee Masjidka Isbahaysiga ee Muqdisho, waxaana ka qeybagali doona Culimada Soomaaliyeed, shacab iyo xubno ka socda dowladda Soomaaliya.

Bayaan maalin kahor ay soo saareen culimada Soomaaliyeed kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa lagu go’aamiyey in la isugu yimaado dibadbax lagu muujinayo sida ay uga soo horajeedaan shacabka Soomaaliyeed guud ahaan weerarkii magaalada Madina Al-munawara ka dhacay Talaadadii lasoo dhaafay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soo wararkeena kale

Goobjoog News