U bood dhigaalka

Dibadbax lagu taageerayay howlgalka badweynta Hindiya oo Muqdisho ka dhacay

Sheeko:Dalka

Banaanbax ay ka qeybgaleen kumanaan dadweyne ah laguna  taageerayay Howl-galka Badweynta Hindiya ayaa Maanta ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ee degmada Hiliwaa kaas uu soo qaban Qaabiyey maamulka Gobolka banaadir.

Sidoo kale banaanbaxa ayaa waxa ka qeyb galay wasiirka Gaashandhigga, Wasiirka Arimaha gudaha iyo federaalka, Gudoomiyaha Maxkamada sare iyo Ku simaha Duqa Magaalada Muqdisho ahna gudoomiye ku xigeenka maamulka iyo Maaliyadda maamulka Gobolka banaadir, 17-ka gudoomiye degmo iyo saraakiisha Ciidamada Booliska, Nabad sugida iyo militariga iyo marti sharaf kale .

Wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo ka hadlay bannaanbaxa ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliya ay ka go’an tahay in Al-Shabaab laga saaro guud ahaan Soomaaliya iyo in la soo celiyo amni buuxa oo ay helaan shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa tilmaamay in howlgalka Badweynta Hindiya ay barbar socdaan qorsheyaal lagu hubinayo in magaalooyinka laga saaro Al-Shabaab laga hirgaliyo maamullo u adeega shacabka, wuxuuna u mahadceliyay dadka isugu ka qeyb galay isku soo baxa.

Ismaaciil Cabdi Guure, Guddoomiye ku-xigeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in maamulka iyo shacabka Banaadir ay garab taagan yihiin ciidamada Soomaaliya ee naftooda u huraya xaqiijinta amniga iyo in la ciribtiro Al-Shabaab, oo uu ku eedeeyey in ay xasuuq ku hayso shacabka Soomaaliyeed.

Dibadbaxayaasha ayaa dhankooda sheegay iney si buuxda hiil iyo hooba ula  gargab taagan yihiin howlgalkal badweynta Hindiya ee lagu qaaday Al-shabab.