U bood dhigaalka

Dibadbax Lagu Taageerayo Ansixinta Matalaadda Gobolka oo Caasimadda Ka Bilowday

Sheeko:Amniga

Waxaa saaka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ka bilowday dibadbax lagu taageerayo, go’aankii golaha shacabka ee Baarlamaanka shalay uu ku meel mariyey 13 xubnood  oo golaha Aqalka sare ku matalaayo gobolka Banaadir, Baarlamaanka soo aadan ee 2021-ka.

Dibadbaxa ayaa waxaa soo qabanqaabiyey maamulka gobolka Banaadir, waxaana ka qeyb galayo shacabka 17-ka degmo, Taaladda Daljirka Daah-soon ay ku sugan yihiin dadweyne farabadan iyo koox fanaanii ah oo goobta ka qaadaya heeso.

Mas’uuliyiinka ka tirsan mamaulka gobolka, iyo xubno ka socda ayaa lagu wadaa in ay ku biiraan oo ugu horeeyo guddoomiyaha gobolka Cumar Maxamuud Filish, waxaana la filayaa duqa magaalada  in shacabka isku soo baxay caasimadda inuu la hadlo.

Shacabkaan inta badan  isaga kala yimid degmooyinka gobolka  Banaadir ayaa waxaa ay sheegeen inay taageersan yihiin Go’aankii 13-ka xubnood Gobolka Banaadir looga siiyay Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, gobolka ayaa horay matalaad ugu lahaa goloha shacabka.

Goobjoog News