U bood dhigaalka

Dibadbax looga soo horjeedo mooshinka laga keenay Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh oo maanta ka dhacay Garbahaareey (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

DibadbaxMagaalada Garbahaareey ee xarunta gobalka Gedo, waxaa maanta ka dhacay dibadbax xoogan oo looga soo horjeedo mooshinka ka dhanka ah Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed.

Dibadbaxaan waxaa soo abaabulay qeybaha kala duwan ee Bulshada, waxaana dadkaan ay hal ku dhig uga dhigeen dibadbaxaan Ha guul dareysto mooshinka maalin walba socda”

Dibadbaxayaasha ayaa sheegaya in mooshinkaan uu yahay mid lagu doonayo in lagu curyaamiyo howlaha shaqo ee u horyaala dowladda Soomaaliya.

Dadka dibadbaxayay oo meel fagaaro ah isugu yimid ayaa ugu dambeyn ugu baaqay xildhibaanada keenay Mooshinka Ra’iisul wasaaraha in ay ka laabtaan iyaga oo danta shacabka eegaya, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Waa markii Labaad oo dibadbax ka dhan ah Mooshinka Ra’iisul wasaaraha laga keenay uu ka dhacdo degmada Garbahaareey, iyadoo maalintii Sedaxaad uu buuq ku dhamaaday kulanka Baarlamaanka.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News