U bood dhigaalka

Dibadbax Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Maanta Ka Dhacay Degmada Guri-ceel Ee Gobalka Gal-gaduud

Sheeko:Dalka

DibadbaxDibadbax sababay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta ayaa maanta ka dhacay degmada Guri-ceel ee gobalka Gal-gaduud, kaasi oo ay dhigayeen shacab aad u badan.

Shacab diidan in ciidamada Ahlu-sunna laga saaro degmadaasi, sidoo kalena kasoo horjeeda ciidanka dowladda ayaa sameeyay dibadbax rabshado watay.

Ciidamo ka tirsan dowladda oo la tilmaamay in halkaasi ay ku sugnaayeen ayaa rasaas ku riday shacabkii banaanbaxa dhigayay, waxaana halkaasi ku dhimatay Haweeneey la sheegay in ay ka mid ahayd dadkii halkaasi ku sugnaa, waxaana ku dhaawacmay Laba kale.

Xaaladda weli waa mid kacsan, waxaana shacabka ay yihiin kuwo weli sidooda u taagan, maamulka degmadaasi weli wax war ah kama uusan soo saarin arintaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

Goobjoog News