U bood dhigaalka

Dibadbaxyaal Careysan iyo Ciidamada Booliska oo Iskula Dhacay Magaalada New York

Sheeko:Amniga

Bandowgii lagu soo rogay qaar ka mid ah magaalooyiinka Mareykanka ayaa waxaa uu hor istaagi waayay dibadbaxayaasha ka careysan geeridii ninkii madowga ahaa George Floyd, ninkan ayaa ku dhintay magaalada Minneapolis ka dib markii mid ka mid ah booliiska uu qoorta uga joogsaday.

Dibadbaxayaal dhigayay mudaaharaad si ammaan ah ku dhacay ayaa isugu soo baxay dhowr magaalo oo bandowga lagu soo rogay mudaharaadka ayaa isku badalay mid rabshado wata  ka dib markii ciidamada Booliska ay isku dhaceen mudaharaadayaasha, waxaa sidoo kale jiray dhismooyiin la weeraray iyo dhac dukaamo loo gaystay.

Boqolaal qof ayey booliiska ka hortaga rabshadaha ku xireen magaalada Los Angeles, Magaalada New York waxaa dadka careysan dab la qabadsiiyeen  20 gawaarida booliiska ah oo isku dayey in dibaxa ay hor istaagaan ciidama ayaana ku guul dareystay xakameyn mudaharaadka.

Goobjoog News