U bood dhigaalka

Dibadbaxyo Lagu Diidan Yahay Natiijada Doorashada Ayaa Ka Socda Dalka Gabon

Sheeko:Dalka

Isku dhac iyo dibadbaxyo ayaa socda dalka Gabon kadib markii sabtidii lagu dhawaaqay in uu guuleystay madaxweyne Cali Bongo.

Bongo waxaa uu helay  49.80% halka ninka la tartamayey uu helay  48.23% , waxaa u dhaxeeyay oo keliya  5,594, dadka is diwaangeliyay waxaa la sheegayaa 627,805.

Khasaare badan ayaa ka dhashay labada dhinac, aqalka baarlamaanka ayaa la gubay halka la sheegayo in sidoo kale la burburiyay xafiiyo ay leeyihiin asxaabta mucaaradka.

Goobjoog  News