U bood dhigaalka

Dibadbaxyo Lagu Taageerayo Guusha Ciyaartooyda Galmudug Oo Ka Dhacay Inta Badan Magaalooyinka Waaweyn Ee Galmudug

Sheeko:Cayaaraha

Waxaa baan baxayo waaweyn oo lagu taageerayo ciyaartooyda Galmudug ee markii ugu horeesay gaaray fiinalaha tartanka Kubbadda Cagta Mamaul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ay ka dhaceyn inta badan magaalooyinka waaaweyn ee Galmudug.

Dhallinyarada iyo bahda isboortiga Galmudug ayaa fariimo hambalyo u soo diray Hogaanka Xiriirka Kubbadda Cagta,Wasaaradda Ciyaaraha,Ciyaartooyda iyo macallimiinta Galmudug ee ka dhabeeyay in Galmudug ay sanadkan gaarto heerka ugu danbeeyo tartanka Kubbadda Cagta Maamul Goboleeeyada iyo Gobolka Banaadir.

Bulshada Degmada Cadaado ayaa soo dhaweeyay natiijooyinka wanaagsan ay soo bandhigeyn xidigaha Galmudug,iyagoo intaa ku daray in ay qalmaan hanashada tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020.

Sidoo kale Dhallinyarada iyo bahda Ciyaaraha Degemada Gaalkacyo ayaa iyagana u mahad celiyay koooxda Galmudug da’daalka sare ay sanadkan ku soo banshigeyn tartanka Maamul Goboleeyda,iyagoo qiray in Galmudug ay ku jirto waqtigii ugu wanaagsanaa ee xaga ka qeyb galka ciyaaraha Gobolada.

Madaxda Xiriirka Iyo Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhallinyarada Galmudug ayaa iyagana Goobjoog u sheegay in aysan iloobi doonin doorka taageeryaasha Galmudug ee kala jooga gudaha dalka iyo dibadda,kaalinta xoogan ay sanadkan ka qaateen dhiiri-gelinta kooxdooda.

Si kastaba Galmudug ay fiinalaha tartanka Maamul Goboleeeyada 2020 la ciyaaridoonto dhigeeda Gobolka Banaadir oo ay kuwada jireyn Group A,waxayna labada koox ahaayen labada naadi ee lagu furay tartanka,iyagoo kulankii kowaad ku kala baxay natiijo 2-2.waxaana lawada sugayaa natiijada kulanka iyo kooxda loo calaami saari lahaa tartanka Maamul Goboeledyada iyo Gobolka Banaadir.

Daawo Baan-Baxyada Lagu Taageeray Kooxda Galmudug

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle