U bood dhigaalka

Dibadbaxyo Looga Soo Horjeedo Arday Loo Dilay Afsaab La’aan Oo Ka Socda Congo

Sheeko:Amniga

Ardayda jaamacadda Kinshasa ee dalka Democratic Republic of Congo ayaa sii wada dibadbaxyo iyadoo boliiska dalkaasi lagu eedeeyey inay xadgudubyo iyo ganaax ay u geysanayaan ardayda dalkaas kaddib markii ay dul dhigeen ganaax ardaygii aan wadan afsaabka looga hortago cudurka Covid19.

Dibadbaxyada ayaa sii xoogeystay markii sarkaal boliis ah uu toogtay arday usbuucii hore sabab la xiirta inuusan xiran afsaab xilli uu muuqaallo ka duubayey waddooyinka magaalada. Ardayda ku fasal ahayd ardayga la dilay ayaa arrintaas aad uga carooday waxayna taasi keentay inay dibadbaxyo cabasho ah dareenkooda ku muujiyaan.

“Waan naxsan-nahay, dareenkeennu waa kacsan yahay,” ayuu yiri arday ka mid ah ardayda dibaxyada dhigeysa isagoo intaas sii raaciyey inay bannaanka sii joogi doonaan illaa caddaalad loo helo ardaygii la toogtay.

Ardaydu waxay sheegeen in saaxiibkood Honore Shama oo ah ardayga la dilay islamarkaana ka dhiganayey maaddama farshaxanka jaamacadda Kinshasa la toogtay xilli oo muuqaallo duubanayey waxaan ardaydu ku baaqeen in maxkamad la keeno qofkii dilka geysta oo caddaalad loo helo Honore Shama.

Boliiska dalka DRC waxay sheegeen in ardayga la dilay uu jabiyey amar dowladdu soo-saartay kaasoo ah in la xirto afsaab si cudurka Covid19 looga hor-tago laakiin uu kasoo tagay waxaana boliisku intaas ku daray in ciqaabtiisu aysan ahayn dil islamarkaana dilku yimid markii uu iska caabbiyey boliiska.

Dad marqaatiyaal ah oo kale ayaa sheegay in dilkaas ay boliisku geysteen. Ninkii boliiska ahaa ee dilka ka dambeeyey ayaa goobta ka baxsaday iyadoo boliiska magaalada falku ka dhacay ay raadinayaan sarkaalka boliiska ah ee dilka geystay sida uu sheegay madaxa boliiska magaalada Kinshahsa General Sylvano Kasongo.

“Boliisku waxay xireen laba sarkaal oo boliis ah, kuwaas oo joogay markii falku dhacayey sabab la xiirta kheyru-mas’uulinimadooda ayaana u xirnay, sidoo kale waxaan xirnay sarkaalkii haystay saldhigga boliiska ee goobta falku ka dhacay,” ayuu yiri General Sylvano Kasongo.

In la xirto afsaabka ayaa waajib ka ah DRC iyadoo dadka ku xadgudba lagu ganaaxayo 10,000 oo lacagta dalka DRC ah taas oo u dhiganta shan dollar.

Magaalada Kinshasa, boliiska waxaa si joogto ah loogu eedeeyaa inay geystaan xadgudubyo islamarkaana ay shaqo ka dhigteen dadka aan wadan afsaabka una arkeen fursad ay dadka ku dhacaan waana eedeymo si joogto ah u soo gaara saldhigyada boliiska ee magaalada Kinshasa.

Goobjoog News