U bood dhigaalka

Digniin Laga Soo Saaray Fatahaad Uu Sameeyo Wabiga Shabelle

Sheeko:Dalka

Guddi u xilsaaran qiimeynta wabiga Shabelle ayaa digniin kasoo saaray fatahaad uu sameeyo wabiga Shabelle.

Guddigaan oo doonyo watay ayaa ku baxay kormeer ay kusoo sameynayaan Wabiga Shabelle, iyaga oo socdaal ku tagay ku dhawaad 40 Tuulo oo ka mid ah gobalka Shabellaha Dhexe.

Waxa ay la kulmeen qaar ka mid ah gudoomiyayaasha tuulooyinkaasi oo ay kala sheekeysteen xaaladooda guud iyo sidoo kale hadii ay jiraan caqabado dhanka wabiga ah oo soo wajahay, sida fatahaad ama wax la mid ah.

Tuulooyinka qaar waxaa ka socda biyo xir aad u ballaaran oo ay wadaan dadka shacabka ah, iyadoo cabsida ugu daran ay tahay in wabiga uu fatahaad uu sameeyo.

Ugu dambeyn Guddiga qiimeynta Wabiga Shabelle oo looga dhawaaqay magaalada Jowhar ayaa qoraal uu kasoo saaray safarkooda waxa u sheegay dadka in ay ka taxadaraan Fatahaad uu sameeyo wabiga Shabelle, kuna dadaalaan sidii ay carro tuur u sameysan lahaayeen.

Goobjoog News