U bood dhigaalka

Digniinta Farmaajo Ka Dib, Sidee Ayay Soomaaliya Uga Falcelin Kartaa Faragelinta Imaaraadka?

Sheeko:Dalka

Digniinta Madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo Sabtidii khudbad u jeediyay Baarlamaanka Federaalka ah ayaa dalalka dibadda uga digay faragelin, waxa uuna sheegay in aan la aqbali doonin heshiis aan loo marin waddada saxda ah, isaga oo sheegay in shacabka Soomaaliyeed yihiin waddaniyiin.

“Soomaaliya waxaa ay diyaar  u tahay Maalgashi iyo ganacsi ay la wadaagto caalamka, cid kasta oo dooneysa inay maalgashato Soomaaliya waa inay oggolaansho ka hesho hey’adaha sharciga ah ee dowladda, waxaan uga digayaa waddamada iyo shirkadaha shisheeye inaysan ku xadgudbi karin qarannimada iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed”.

Dacwadda ay Soomaaliya u gudbisey Jaamacadda Carabta

Todobaadkii hore, dowladda Soomaaliya ayaa warqad dacwo oo ka dhan ah Imaaraadka u gudbisay jaamacadda Carabta, Warqaddan oo ay heshay Goobjoog News, ayna u xaqiijiyeen diblomaasiyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa waxaa ku xusan in ergada Soomaaliya ee Jaamacadda  Carabta ay dalbadeen in ajendaha kulanka Wasiirrada Jaamacadda Carabta ee Qaahira lagu daro qodob ku saabsan Dekadda Berbera iyo heshiiska Xaqdarrada ah.

Ergadu waxay  sheegtay in warbaahinta laga sheegay heshiis 3 geesood ah oo looga faa’ideysanayo Dekadda Berbera kaas oo ay galeen DP World, mas’uuliyiin gudaha ah iyo mid ka mid ah dowladaha dariska.

Qoraalka loo gudbiyay Jaamacadda Carabta waxaa lagu xusay in dowladda federaalka ah ay si rasmi ah u sheegtay in heshiiska aanay qayb ka ahayn, cid ku matashana aaney jirin, iyada oo heshiisku ka hor imaanayo qarannimada Jamhuuriyadda Federaalka ah iyo in uu yahay faragelin arrimaha gudaha iyo midnimada Soomaaliya.

Qaramada Midoobey oo loo gudbiyey warbixin ku saabsan faragelinta Imaaraadka ee Soomaaliya

Jannaayo sanadkan hey’adda madaxabannaan ee Qaramada Midoobey u qaabilsan kormeerka ayaa Golaha Ammaanka ugu baaqday in wax laga qabto faragelinta Imaaraadka ee Soomaaliya iyo in Abu Dhabi doonayso in ay qasto xasiloonida iyo dimuqraaddiyadda ka jirta dalka.

Hey’adda oo arrintan u bandhigtay safiirrada joogtada ah ee Golaha Ammaanka waxaa ay sheegtay in Imaaraadka uu si aan ka gambasho laheyn u faragelinayo arrimaha Soomaaliya isaga oo lacag laaluush ah siinaya siyaasiyiin iyo xildhinaanno kala shaqeynaya sidii loo ridi lahaa xukuumadda.

Qaramada Midoobey qoraalkooda waxaa ku jiray in Imaaraadku damacsan yihiin afgambi si ay u maamulaan dalkan Geeska Afrika taasi oo ka hor imaaneysa xeerarka Qaramada Midoobey, isla markaana gobolka ka abuureysa xasiloonni darro.

Waxaa kale oo Imaaraadka lagu eedeeyay inay hub iyo saanad siiyaan kooxaha argagaxisada, waana arrin kale oo imaaraadka ku jabiyay qaraarka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya lagu saaray cunaqabateynta hubka.

Maxay Hey’ada Dowliga Ka qabaan faragelinta arrimaha dal kale?

Qaramada Midoobey: Hey’addan marka laga soo tago nabad-ilaalinta iyo xallinta murannada waxaa ay ka hortagtaa wax walba oo keenni kara dagaal, waxaa kale oo xubnaha ururkan laga mamnuucay in ay ku xadgudbaan dhulka dalalka xubnaha ka ah

Dastuurka Midowga Afrika: Hadafyada loo aasaasay  Midowga Afrika marka laga soo tago midnimada Afrikaanka iyo iskaashiga guud waxaa ka mid ahaa: ilaalinta qarannimda, madaxbannaanida iyo dhulka dowladaha xubnaha ka ah, in la ixtiraammo xadka ay dowladuhu guumeystaha ka dhaxleen, in dal aanu faragelin arrimaha gudaha dal kale iyo in wada noolaashiyo laga shaqeeyo.

Dastuurka Jaamacadda: Mabaa’dida Jaamacadda Carabta waxaa ugu muhiimsan in dalalku aanay faragelin isku sameyn, oo si ixtiraam iyo sinnaan ah ku wada shaqeeyaan.

Marka laga soo tago xeerarka caalamiga ah, waxaa Soomaaliya u furan waddooyin kale oo ay xaqa ku raadsan karto, waxaa ka mid ah:

Diblomaasiyadda: sida ay Goobjoog News u sheegeen ilo diblomaasiyadeed dal xiriir wanaagsan kala dhaxeeyo Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa soo jeediyay in uu kala dhex-galo Muqdisho iyo Abu-dhabi, waa fursad xiisadda loogu dhameyn karo qaab diblomaasiyadeed.

Go’aan Adag: Dowladda Soomaaliya waxaa ay horay xiriirka ugu jartay Iran ka dib markii safaaraddooda lagu eedeeyay fara-gelinta arrimaha Soomaaliya, Imaaraadka marka laga soo tago heshiisyada waxaa uu sameeyaa arrimo xad-gudub ku ah qarannimada Soomaaliya, in safiirka la waco, in digniin la siiyo iyo cadaadis la saaro Abu-dhabi waa arrin u furan Soomaaliya.

Baarlamaanka: Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo Goobjoog News la hadlay waxaa uu  qabaa in baarlamaanku uu ka hadlo heshiisyada sharci-darrida ah ee Imaaraadka isaga oo intaas raaciyay in ay ku xad-gudbeen qarannimada Soomaaliya. Dalxa waa uu ka hadlay in soojeedinta ka hadlidda Imaaraadka ay ka iman karto xukuumadda ama baarlamaanka gudihiisa, isaga oo hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in loo baahan yahay in laga hadlo dhammaan heshiisyada sharci-darrida ah ee la galay sida kan Dekedda Boosaaso.

Is- afgarad Soomaaliya iyo Somaliland: Arrinta Berbera waxaa ku heshiin kara Soomaaliya iyo Somaliland, waxaa ay qeyb ka noqon kartaa  qodobbada ay tahay in laga wada hadlo marka ay labada dhinac wada hadlayaan.

Cadaadis Dowli Ah: Soomaaliya waxaa ay haysataa fursad ay hey’daha caalamiga ah uga dacwoon karto Imaraadka, waa fursad furan, Jaamacadda Carabta, Qaramada Midoobey iyo Ururrada Dowliga ah waxaa ay la safan yihiin Soomaaliya. Sidaasi darteed, Soomaaliya waxa ay dacwo u gudbin kartaa Maxkamadda Caalamiga ah si lamid ah sidii ay Kenya dacwadda Badda uga gudbisey.

Ugu dambeyntii, waxaa muhiim ah in sida Imaaraadka loo cadaadinayo, loo cadaadiyo Itoobiya oo heshiiska qayb ka ah, waxaa kale oo muhiim ah in lagu xisaabtamo tallaabada ay qaadi karto Abu Dhabi oo ay ku nool yihiin, kana ganacsadaan Soomaali badan, in la ilaaliyo isku-dheellitirka qarannimada iyo danaha Soomaaliya uga xiran Imaaraadka waxaa ay u baahan tahay fahan istaraatijiyadeed iyo karti.

Goobjoog News