U bood dhigaalka

Digniinta NISA oo Lagu Tilmaamay Qalqalgelin Amni, Khatargelin Doorasho iyo Weeraro Soo Socda

Sheeko:Amniga

Hey’adda sirdoonka qaranka ee NISA ayaa qoraal ay soo saartay habeennimadii Isniinta ku sheegay in heyso shirqool ka dhan ah madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Farmaajo iyo ra’isul wasaare Maxamed Rooble.

Qoraalkan kadib, waxaa abuurmay welwel arrinkan la xiriira, iyada oo ay mas’uuliyiin badan ka falceliyeen, iyaga intooda badan eedeyn usoo jeediyey hey’adda NISA, kuna dhaliilay iney waddo qorshe qalqalgelin ah.

Ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo bartiisa Twitte-ka uga hadlay qoraalka NISA ayaa waxaa uu yiri “Si kasta arrinka ka ahaado, digniinta NISA waxaa uu muujinayaa cabsida NN ee la xiriirta hannaanka doorashada. Haddii aan wax laga badalin maamulka NISA, hey’addan waxaa keeni doonaa qorsheyaal xun, oo lagu khatar gelinayo doorashada “.

Madaxii hore ee NISA Axmed Macalin Fiqi oo arrintan uga hadlay qoraal oo Faceboogiisa soo dhigay ayaa waxaa uu yiri “Weeraro qorshaysan oo Argagixisada loo tiirinaayo, laakin u muuqda kuwa gacmihii dilaayadu ay maleegayaan! Hey’addii Sirdoonka ee umadda amnigooda in ay sugto ay ahayd ayaa u dhaqmaysa sidii idaacadihii..

Fiqi oo qoraalka sii wada ayaa waxaa uu yiri “Waa qoraal caddayntiisa wata in ay jiraan weeraro saacadaha & maalmaha soo socda la rabo in la fuliyo, Argagixisadana dhabarka loo saaro! Waana mid looga gol leeyahay qalqalgelinta doorashada iyo cabsi- gelinta xildhibaanada cusub iyo musharixiinta madaxweynaha.!  Ma jiro ciidamo amni oo la isku hallayn karo, sidaas awgeed RW Rooble iyo mas’uuliyiinta kale ee weeraradaan lagu beegsan karo waa in ay adkeeyaan amnigooda, soona badsadaan ciidamada ay heystaan! Nin walowba naftaada, nin walowba amnigaada!.

Kamaal Guutaale oo ka tirsan lataliyeyaasha Ra’iusl wasaare Rooble oo qoraal soo dhigay Twitterkiisa ayaa waxaa uu yiri“Ma aha in la fududeysto hadalka NISA, waa handadaad toos ah oo ka timid hey’ad aan dhexdhexaad aheyn, oo ku eedeysan dilka Ikraan Tahliil iyo Aamin. Beesha caalamka waa iney xoojisaa AMISOM si ay ula wareegaan amniga ra’’isul wasaaraha”.

Taliye ku-xigeenkii hore ee NISA Ismaaciil Daahir Cusmaan ayaa sheegay in xubna ka tirsan xildhibaanada cusub la qorsheyay in ay isku qarxiyaan safiirada dalalka saaxiibada ah ee xammar ku sugan.

“Qolyaha Xalane degen aya helay XOG & qorshe qaar ka mid ah Xildhibaanada cusub in lagu tashkiiliyay in ay isku qarxiyaan qaar ka mid ah safiirada ama madax kale. Qorshaha aya ah mid laga abaabulay Villa Somalia fulinteedana loo xil saaray shaqsiyaad ka mid ah NISA & Golaha Wasiirada,” ayuu ku yiri qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook-ga Taliye ku-xigeenkii hore ee NISA Ismaaciil Daahir Cusmaan.

Goobjoog News