U bood dhigaalka

Diidmada Kenya ee hortagidda ICJ, Xeerka Maxkamadda dhacdooyinka horey u dhacay iyo go’aanka la filan karo.

Sheeko:Dalka

Maqaal dheer oo saaka lagu daabacay bogagga hore ee wargeyska ugu afka dheer ee kenya kasoo baxa ee The Daily Nation ayaa lagu sheegay in kenya ay ka baaqsatay ka qeybgalka dhageysiga dacwadda badda ee u dhaxeysa Kenya iyo soomaaliya.

Wargeyska oo soo xiganaya ilo dib lomaasiyasadeed oo kenyan ah iyo xafiiska xeer-ilaaliyaha qaranka ee kenya Mr Kariuki aya sheegay in kenya aysan hadda diyaar u aheyn ka qeybgalka dhageysiga dacwadda badda bacdamaa ay maxkamaddu iska indha tirtay beey yiraahdeen codsigooda ah in dib loo dhigo dacwadda badda.

Xeer ilaaliye kariuki ayaa sheegay in maalmo kahor uu maxkamadda u qoray codsi ah in dib loo dhigo dacwadda si buu yiri ay diyaar garow baaxad weyn u sameeyaan qareenada kenya ay dhawaan qabsatay, balse maxkamaddu waa ay iska indha tirtay iyadoo ku adkeysatay in waqtigii la mudeeyey ay dhici doonto dhageysiga dacwadda.

Sidoo kale xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in maxkamadda uu udiray codsi labaad oo ah in isaga loo ogolaado in 30 daqiiqo uu warbixin siiyo garsoorayaasha maxkamadda kahor inta aysan bilaaban dhageysiga dacwadda, balse maxkamaddu ayuu ku eedeeyey in wali aysan kasoo jawaabin codsigiisa.

Doodo adag ayaa tan iyo xalay ka socday TV-yada kenya kuwaas oo lagu falanqeynayay halka uu ku biya shuban karo dhageysiga kiiska dacwadda badda ee soomaaliya iyo kenya ka dhexjira.

David Matsaka oo dood kaga qeybgalayay KTN tv ayaa sheegay in ay aheyd in dowladda kenya ay marhoraba ka baaraan dagto kiiskan oo ay sii diyaarsato qareenadeeda, wuxuu ku eedeeyey madaxda kenya in aysan daacad ka aheyn in kiiska badda loo xukumo dowladda Kenya.

Falanqeeyayaasha ayaa qaba in kenya ay isku haleyneyso xubinta aan joogtada aheyn ee ay bishii hore kaheshay golaha loo dhanyahay ee Qaramada midoobay, waana taa midda keentay ayey leeyihiin in ay kenya gabi ahaanba diido ka qeybgalka dacwadda badda.

Kenya ayaa dhawr jeer oo hore codsatay in dib loodhigo kiiska maxkamadda cadaaladda aduunka ee ICJ horyaala , kaas oo oo dacwadiisa ay soomaaliya geysay maxkamadda cadaaladda aduunka bishii august ee sanadkii 2014 tan.

Xeerka Maxkamadda ee Maqnaashaha dhinac iyo is difaac la’aanta. Maxkamadda Qaramada Midoobay ee ICJ waxay gashaa Dacwadaha ka dhaxeeyo Dowladaha aqbalay awoodda Maxkamadda, waxayna u qeyb-samaan seddax markii dowladaha ay furanayaan Dacwo:

1. Dowlado u baahan in ay ku heshiiyaan in ay Dacwoodaan “Special Agreement”. Waana Dowladaha aan xubinka ka ahayn Qaramada Midoobay.

2. Dowlado Aqbalay mar hore in ay u Hoggaasamayaan Dacwad kasta oo ka dhalato “Pre-earlier commitment”.

3. Dowlado qasab ay ku tahay in ay u Hoggaansamaan “Voluntary declaration”.

waana Dowladaha Nidaamka saxiixay oo ay ku jiraan Kenya iyo Soomaaliya, waxaana arintaa xusayo Q. 94-aad ee Cahdiga UN-ta ” United Nation Charter”.

Maqnaashaha dhinac kamid ah dhinacyada waxuu ku yimaadaa, ka qeyb-gal la’aanta dhinac ka mid ah dhinacyada “non-appearance before the ICJ” ama is difaacidla’aan “défaut de conclure”.

Xaaladahaan marka ay yimaadaan waxaa la gudboon Maxkamadda in ay raacdo tilaabooyinkaan:-

1. Maxkamadda waxay hubin in ay kiiska u leedahay awood sharci sida ku xusan Qodobada “Jurisdiction 34/38″. Taas oo ah mid mar hore ay Maxkamadda hubisay

2 bishii February 2017 kadib markii ay xukun ka soo saartay is hortaag Kenya sameysay kuna saabsan awwoodda Maxkamadda “ Preliminary objection of ICJ jurisdiction “.

2. Dhinaca joogo Waxuu codsanayaa in loo wado Dacwada dhinacii kale oo maqan, waana dooda beri ay Soomaali jeedin doonto.

3. Maxkamadda waa in ay hubiso Codsiyadaas in ay yihiin kuwa ku dhisan Sharci iyo xaqiiqo “Law and Fact” maadaama uusan joogin dhinicii iska difaaci lahaa.

Sidaasi waxaa Qeexayo Q. 53-aad ee Xeerka lagu dhisay Maxkamadda ICJ. Hadaba Xeerka Maxkamadda cadaaladda aduunka ayaa u qoran sidaas oo xitaa hadii mid kamid ah dalalka kiiskooda la dhegeysanayo uu kabaxo dhageysiga dacwadda lasii wadi doono dhageysiga dalka xaadirka ah, taas ayaana soomaaliya fursad u siin doonta in dhageysiga kiiskooda uu sii socda.

Dowlado horey u diiday imaanshaha Maxkamadda.

Kenya ma aha dowladdii ugu horreysay ee diida in ay xaadirto Maxkamadda ICJ, waxaa horey u diiday Dowladda Colombian 2012-2016 kiis kala dhaxeeyey Nicaragua, kaas oo ku saabsanaa qol-foof qaareedka ka dambeeya 200 mayl oo ah mid lamid ah dooda hex-taalo Soomaaliya iyo Kenya. Sidoo kale waxa diiday Maxkamadda Dowladda China kiis taxkiim ahaa oo kala dhaxeeyey Dowladda Philippines ku saabsanaa South China Sea, Philippines iyo China waxay kamid ahaayeen dowladihii 1982 saxiixay Heshiiska Unclouse si lamd ah Kenya iyo Soomaaliya balse china ayaa ku doodaysay declration ay soo saartay oo ah arimaha siyaasadada “ sovereignty” la xariira in chapter 15 Unclouse lagu dabaqayo, taas oo u dhaw dooda MOU-ga Kenya ay ku doodayso balse looga guuleystay walaow laga wada hadlay markii dambe. Venezuela ayaa kamid ahayd Dowladihii diiday xaadiritaanka ICJ dacwadana kala dhaxeysay Guyana kuna saabsanayd Gobalka Essequibo.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in Qareenka Philippines iyo Nicaragua ee kasoo horjeeday China iyo Colombia uu ahaa Paul richer oo ah midka hoggaaminayo kiiska kooxda qareenada Soomaaliya.

In kastoo ay jiraan Dowlado badan oo diiday xaadiritaanka Maxkamadda kuwaas oo ku dacwoonaayey dodo lamaid ah ama u agdhaw kuwa Kenya, hadana lama oga Lama oga go’aanka kasoo bixi doona Maxkamadda ku go’aan qaadato codka aqlabiyadda, waxayna ku xirantahay dooda Soomaaliya ay keeni doonto, balse waxaa la filan karaa labo arin mid:

1. In la dhageysto dood afeedka Soomaliya iyadoo ay Kenya maqantahay sida Xeerka Maxkamadda iyo dhacdooyinka waafaqsan taas oo ah hadhaw ka dhigan in fulinta xukunka ay kasii cuslaan doonto sida la filan karay marka ay Kenya is difaacdo.

2. In Kenya la siiyo waqti kama dambays ah oo ay ku diyaar-garowdo, taas oo aanay u badnayn maadaama go’aan hore ay Maxkamadda gaartay balse aanay reebaneen dhicideeda.

W/Q: Avv. Cali Sh. Aadan Yusuf “Cali Somali”