U bood dhigaalka

Diini Maxamed Diini “56 % Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya Waa Kuwa Aan Haysan Shahaadada Dugsiga Sare”

Sheeko:Amniga

Guddoomiyihii hore Uradarda Bulshada Rayidka Diini Maxamed Diini oo Magaalada Muqdisho kaga qeybgalay Dood ku saabsan -ka qeyb galka Dhallinyarada ee doorashada dadban ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku aadan caqbadaha ka jira qabsoomida doorashooyinka iyo xaalada cakarin ee Soomaaliya,isagoo dhalinyarada ku booriyay in ay ku biiriyaan siyaasadda iyo is badalka ka socda dalka,waxaana waxyaabihii uu soo hadal qaaday ka mid ahaa Baarlamaanka Soomaaliya,isagoo dhalinyarada u sheegay “56 %” Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya aysan haysan Shahaadada Dugsiga Sare”.

 

Guddoomiyihii hore Uradarda Bulshada Rayidka Diini Maxamed Diini ayaa sidoo kale dhalinyarada ku dhiirigeliyay in ay ku biiraan Xisbiyada ka dhisan Soomaaliya,isagoo sheegay in ay tahay halka ugu haboon ee laga soo bilaawo.

Si kastaba kulankii dhacay Muqdisho ee looga hadlayay Dhallinyarada iyo Doorashada dadban waxa soo qaban qaabiyay  Hay’adda  EISA iyo Women Centre Peace and Peace and Devolvement,waxaana ka qayb galay doodan  xubno ka socday Xildhibaanada Golaha Shacabka ,Bulshada rayidka,aqoonyahano

Daawo Dooda Doorashada Dadban Oo Dhameystiran

 

Goobjoog News