U bood dhigaalka

Diiwaan Gelinta Musharixiinta Golaha Shacabka Ee Matalaya Gobalada Waqooyi Oo Muqdisho Ka Bilaabaneysa

Sheeko:Amniga

Guddiga hirgelinta doorashooyinka Gobalada Waqooyi ee Somaliland ayaa shaaciyay xilliga la qabanayo diiwaan gelinta musharixiinta golaha shacabka.

Jadwalka guddiga ay shaaciyeen ayaa lagu sheegay in 20/21/22 bishaan ay dhaceyso diiwaangelinta lix ka mid ah sagaal kursi oo horay guddiga u shaaciyeen in doorashadooda la diyaarinayo.

Kuraasta lixda ah ee musharixiintooda la diiwaan gelinayo ayaa kala ah : HOP#233, HOP#208, HOP#210, HOP#202,  #HOP225, iyo HOP#272.