U bood dhigaalka

Diiwaangelinta Musharixiinta Madaxweynaha Oo Maanta La Soo Gabagabeynayo

Sheeko:Amniga

Waxaa maanta oo Talaado ah magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeynayaa diiwaangelinta musharixiinta u tartamaysa xilka madaxweynanimada Soomaaliya oo labadii maalin ee la soo dhaafay ka socotay xarunta aqalka sare.

Diiwangelinta oo soo bilaabatay 8-dii bishaan ayaa la soo xirayaa maanta, xilli ay xilkaan isku soo taageen musharixiin badan.

Laba maalin oo ay isdiiwaangelinta socotay waxaa isdiiwaangeliyay 32 musharax kuwaas oo dhamaan buuxiyay shuruudihii musharaxnimada xilka madaxweynaha.

Musharaxiinta qaatay shahaadada rasmiga ah ee musharaxnimada ayaa tartan adag foodda isku dari doona 15-ka bishaan May.

Xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa musharixiinta rasmiga ah ee hoolka tagi doonto waxa ay isugu jiraan madaxweynayaal hore oo heer federaal ah, madaxweynayaal hore oo heer maamul gobaleed ah, wasiirro xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumadihii dalka soo maray, safiiro, shaqsiyaad ku cusub gebi ahaan siyaasadda dalka iyo ra’iisulwasaare ku-xigeenkii hore ee dalka ahna musharaxa keliya ee Haweenka ah ee ku jirta tartanka Marwo Fowziya Xaaji Daahir.

Maanta ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay  isdiiwaangeliyaan musharixiin kale oo doonaysa in ay u tartamaan xilka ugu sareeyo dalka.

Musharaxa u tartamaya ayaa bixinaya lacag gaareysa $40,000 doolar, isagoo sidoo kale buuxinaya shuruudaha iyo habraacyada kale ee guddiga doorashada madaxweynaha ay u dijiyeen in ay maraan musharixiinta sharaxa.

Magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale waxaa ka socota diyaar garowgii ugu dambeeyay ee doorashada madaxweynaha 10-aad ee dalka.

Siyaasiyiinta danaynaysa xilkaan ayaa kulama gooni gooni ah la qaadanaya xildhibaannada labada aqal ee baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.

Goobjoog News